Daawo: Ciidamada DF oo qarka u saaran Aadan Yabaal, qabsaday degaano dhowr ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Al Shabaab laga xoreeyay deegaanadda kala ah, Guulane, Daaru-salaam, Xarga-dheerre iyo Mabaax oo ka kala tirsan goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Ciidanka xooga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanadaasi, waxayna kaabiga kusii hayaan degmada Aadan Yabaal, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id qabtay.

Degmada Aadan Yabaal ayaa ah saldhiga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab ay ku leedahay gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Ciidanka xooga dalka iyo xoogaga hubeysan ee kacdoonka shacabka Soomaaliyeed waxay si degan uga saarayeen argagixisada beeraha iyo dhulka keymaha ah, waxaa lagama maarman noqotay in si saf ballaaran ah oo degan looga socda. Waxaa illaa hadda la jaray 85KM oo ah 100KM ee u dhaxeeyay Aadan Yabaal iyo Masaajid Cali Gaduud,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Daaru-salaam iyo Xarga-dheere ay ciidamada cadowga uga dileen Lix xubnood inta la arkay, halka ay dhaawacmeen 2 Askari oo kamid ah ciidamada xooga dalka.

“Mabaax waa tuulo muhiim u ah cadowga, markii halkaas loogu galay waxaa naloo soo xaqiijiyay in 10 cadow ah ay dhimatay, inaga (ciidamada) uu khasaare soo gaaray 3 dhaawac ah, laba ay yihiin dhaawac culus.”

Waxa uu sheegay in dhawaan ay bulshada maqli doonaan war wanaagsan ayna soo afjari doonaan dhamaan xoreynta dowlad-goboleedka HirShabelle, si loogu gudbo dowlad-goboleedyada kale ee deegaamada qaarkood ay weli ku jiraan gacanta cadowga.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka dhulka ee xooga dalka Soomaaliyeed, Jeneral Maxamed Tahliil Biixi oo hogaaminaya ciidamada ku wajahan degmada Aadan Yabaal oo la hadlay VOA ayaa sheegay inay qorsheynayaan in degmadaas ay kaga duuli doonaan saddex jiho.

Jeneraal Biixi ayaa sheegay inay ka warqabaan in Shabaabkii ku sugna Aadan Yabaal ay bilaabeen inay dhanka sare uga baxaan degmada iyaga iyo xaasaskooda.

“Waxaa ka warqabna in iyaga (Shabaab) iyo xaasaskoodii kor ayey uga baxeen degmada, shacabkiina wey diideen inay raacaan oo markii dad qasab lagu haystay ayey ahaayeen, intii ay haysteen Diin iyo dowlad uma keenin, waxay ahaayeen dad dhibaateysan oo la caburiyay,” ayuu yiri.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in la jaray gebi ahaanba isgaadhsiintii Aadan Yabaal, islamarkaana dadkii deganaa degmadaas ay bilaabeen inay isaga barakacaan.

Hoos ka daawo afhayeenka