Xog: Madaxweyne DENI oo go’aan ka gaaray inuu muddo kororsi sameeyo iyo in kale

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa isku diyaarinaya in uu dhaqan-gashado muddo kororsi uu kusii xilka u sareeya maamulkaasi dhamaadka bisha June ee sanadka 2023-ka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa waxay sheegaysa in madaxweyne Deni ugu dambeyntii uu go’aansaday hirgelinta muddo kororsi laba sano ah marka la gaaro horaanta sanadka cusub.

Qorshaha muddo kororsiga ayaa la sheegaya in loo qoondeeyay dhaqaale xoogan, waxaana la rabaa in cod aqlabiyad ah ku ansixiyaan Baarlamanaaka Puntland. 15-ka bisha June ee sanadka cusub ayuu sida caadiga ah furmi doona Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka maamulkaasi.

Qorshahaan ayaa waxaa hore si adag uga digay qaar kamid ah Musharaxiinta xilka madaxweynaha Puntland u tartamay doorashadii 2019.

Musharaxiintaaan ayaa sidoo kale xiligaas sheegay inaysan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci daro ah, kaasi oo Puntland u horseedaya dagaal gudaheeda ah, sida ay sheegeen.

Waxkasta oo ka dhasha damaca Deni ayey sheegeen mucaaridka in uu qaadan doono masuuliyadeeda koowaad.

Arrintaan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xili uu weli taagan yahay dagaalka siyaasadeed ee ka dhex qarxay madaxweyne Saciid Deni iyo kooxdiisa soo dhistay ee Aaran-Jaan.