COSOBLE oo sheegay arrin yaab leh oo Cali Jeyte ku qasabtay dagaalka Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa markii u horeysay ka falceliyay go’aan uu Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte si adag uga horyimid in isbaarooyin la dhigto gobolkaasi.

Guddoomiye Jeyte ayaa wacad ku maray inuu tallaabo uu ka qaadi doono qof kasta oo isbaaro dhigto ama waddada u galo dadka shacabka ah ee safraya, xili qaylo dhaan iyo walaac xoogan laga muujinayey isbaarooyin horleh oo lasoo dhigtay deegaanada maamulka HirShabelle

Cali Cosoble ayaa sheegay in guddoomiyaha naftiisa uu yahay isbaariiste ayna u yaalaan isbaarooyin dhowr ah, ayada oo midkoodna ay sabab u aheyd dagaalkii ka dhex-maray Jeyte iyo Al-Shabaab, sida uu sheegay.

“Dagaalkii dhex-maray Gudoomiye Cali Jeyte iyo Shabab ee markii dambe gacantiisa ka baxay isuna beddelay Kacdoonka Reer Hiiraan wuxuu asal ahaan ka bilowday Shabaab oo isbaaradii u taalay Kala-beyrka dul dhigay isbaaro kale,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cosoble oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu ku yiri qoraalkiisa “Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte kama kaftamo isbaarada oo waa khabiir fahamsan isbaaro wexey tahay iyo waxey gasho. Ogow haddaad isbaaro dhigato Cali Jeyte ayaa isbaarada ku cariirisay, waxaad ka heshaana leedahay.”

Hadalkan ayaa baraha bulshada ka abuuray falc-elin aad u badan, ayada oo dadka qaarkood ay ku dhaliileen Madaxweynihii hore ee HirShabelle inuu dacaayad ku furayo kacdoonka uu hormuudka u yahay guddoomiye Cali Jeyte.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa magac weyn ka sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka bilaabay gobolka Hiiraan, kaasi oo sababay in kooxda laga saaro qeybo badan oo kamid gobolkaasi.