Daawo: Beesha Saruur oo ciidan xoog leh ka dejisay Gaalkacyo iyo qorshe socda

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Beesha Saruur ee Habargidir ayaa maanta Muqdisho diyaarado uga qaaday ciidan xoog leh oo Al-Shabaab ka xoreynaya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Xildhibaan Xuseen Axmed Culusow oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysa ciidanka maanta laga dejiyey Gaalkacyo, kuwaas oo doonaya inay kooxda ka xoreynayaan degmada Xarardheere.

Wasiir Xuseen Axmed ayaa idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho u sheegay in ciidamo hor leh ay maalmaha soo socda Muqdisho ka soo daabuli doonaan, isla markaana ay ka go’antahay in Al-Shabaab ay ka xoreystaan degmadooda Xarardheere.

“Sida qabaa’illada kale waxaa naga go’an in dhulkoona aan ka xoreysano cadowga, wax hormar iyo nolol ah dhulkeena kama jiraan, Al-Shabaab ayaa indhaha ka riday dadkeenna,’ ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Axmed Culusow.

Wuxuu sheegay in wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka ay ka heystaan balanqaad iyo garab istaag, isla markaana howlgalka Xarardheere lagu xoreynayo ay dowladdu hoggaami doonto.

“Dhamaan waan ku mideysanahay qorshahaan, waxaan nahay dadka ugu baahida badan dib u xoreyntaan, dhulkeenna oo Xarardheere ugu horeeyo nolol kama jirto haba yaraatee, marka waxaa naga go’an intaan kadib in gumeysi aanaa ku sii jirin,” ayuu yiri.

Diyaarado sida ciidankaan iyo gaadiid dagaal ayaa maanta ka soo baxay Muqdisho, waxaana ciidankaas laga soo dejiyey Gaalkacyo, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda ay duulaan ku qaadaan degmada Xarardheere oo mudo dheer ay heysato kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka dhageyso wareysiga