Aadan Madoobe oo amray in deg deg looga soo tala-bixiyo halis amni oo soo wajahday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo maanta shir-guddoomiyay kulanka Golaha, ayaa si adag uga hadlay amni darro soo wajahday qaar kamid ah Xildhibaanada.

Xildhibaannada qaarkood ayaa Golaha ka hor sheegay in amnigooda uu halis ku jiro, iyaga oo sheegay in ay baraha kontorolada kala kulmaan caqabado dhanka amniga ah.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa amray in guddiyada amniga iyo difaaca ee golaha ay soo diyaariyaan qorshe arrintaan wax looga bedelo oo lagula xisaabtamo saraakiisha ay khuseyso, ayna deg deg ugu soo celiyaan warbixintaas, si loo guda galo.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in aan wax loo dulqaadan karin ay tahay in lagu xad-gudbo xasaanadda xildhibaannada, ciddii ku xad-gudubtana ay kala xisaabtami doonaan.

“Arrintaan mid la dhayalsan karo ma aha. Amniga ayaa la sugaya in la dhaho oo Xildhibaanadii sharaftooda meel looga dhaco wax la ogolaan karo ma aha, dadka amnigooda la ilaalinayo ayey kow ka yihiin ee ay tahay in la sharfo,” ayuu yiri.

“Xildhibaannada waa metelayaashii umadda Soomaaliyeed soo dooratay, marka Xasaanadoodii in lagu xad-gudbo arrin la qaadan karo ma aha.”

Kulanka maanta ee Baarlamaanka ayaa ajandihiisu ahaa qeybinta aqrinta 1-aad ee Hindisa Sharciyeedka Korantada iyo warbixinta Xildhibaanada, hase yeeshe qaar ka mid Xildhibaanada oo tiradoodu gaareysa 22 mudane ayaa Guddoomiyaha u gudbiyay mooshinka amniga, kaasi oo 144 mudane ay ogal ugu codeyeen halka 1 mudane uu diiday.

Mooshinkaan ayaa ku soo aadaya weerarkii 27-kii November 2022 lagu qaaday Hoteel Villa Rays oo ku yaalla aagga Madaxtooyada Soomaaliya, iyada oo uu weerarkaas ku dhaawacmay wasiirka Amniga.