DF oo shaacisay sababta maalmihii tegay uu gaabis ugu yimid howlgalka HirShabelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad la isku weydiinayey sababta uu gaabis ugu yimid dagaalka markii hore sida xowliga ah ku bilowday ee dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada HirShabeelle.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo galabta ka jawaabay weydiintaas wuxuu sheegay in dowladdu ay aad uga taxadareyso khasaaraha soo gaari kara ciidanka iyo in kooxdu aysan ku harin deegaano gudaha ah oo ciidanka dhabar-jebin ku noqon karta.

‘Waxaa loo dagaalamayaa qaab jabhadeed oo kooxdu markii ay ku jabot dagaalka waxay isku faafisaa dhulka baadiyaha ah, oo dhulka howdka ah ayey galaan, marka anagoo kaashaneyna shacabka waxaan si degan uga saarnaa halkii ay galaan,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Afhayeenka ayaa intaas ku sii daray in kooxda dhul tobanaan KM ah laga nadiifinayey maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo howlgalku uu ahaa mid saf-balaaran ah, isla markaana uu jiro taxadar badan.

“Ilaa 30 KM oo keyn ah oo Aadan-yabaal iyo Masaajid Caligaduud u dhaceysa ayuu ciidanku sifeynayey maalmihii lasoo dhaafay, hadda Aadanyabaal ayuu ciidanku kaabiga ku hayaa, mar dhowna waxaan soo gudbi doonaa war farxad leh oo waxaan soo afjari doonaa Shabaab-ka ka dagaalamaya dhulka HirShabeelle, si gobollada kale looga bilaabo howlgalka,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay maanta Al-Shabaab kala wareegeen deegaanada kala ah, Guulane, Daaru-salaam, Xarka-dheere iyo Mabaax oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle.

Ciidanka xoogga ayaa galabta iska soo duubay muuqaalo ay ku cadeynayaan in ateenooyinka isgaarsiinta ee degmada Aadan-yabaal ay u muuqdaan, isla markaana ay doonayaan in si taxadar leh ay ula wareegaan gacan ku heynta degmadaan muhiimka ah ee Aadan-yabaal.

Kooxda Al-Shabaab hadii laga xoreeyo Aadan-Yabaal, waxaa ku adkaa doonta inay sii joogaan magaalooyin ay ugu horeeyaan Ceelbuur iyo Galhareeri ee gobolka Galgaduud oo ciidanka ka qabsada Aadan-yabaal ay u sii gudbi doonaan.