Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay maanta askarigii darawalka ku dilay Balcad

Mudisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday askarigii ka dambeeyey dilkii loo geystauy marxuum Seylax Cabdulle oo ahaa darawal, kaas 29-kii bishii hore ee November lagu dilay isbaaro tiilay waddada dheerer xiriirisa magaalooyinka  Balcad iyo Muqidiso.

Xukunsanaha oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cadow Ciise ayaa isla maalintaas lasoo qabtay, waxaana lagu wareejiyey Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan oo deg-deg maxkamad loo soo saaray, ayaa lagu helay in shilimaad uusan xaq u laheyn u dilay marxuumka oo waday gaari BL ah, waxayna Maxkamadda Ciidamada ku ridday xukun dil toogasho oo ah qisaasta marxuumkii uu dilay ee Seylax Cabdulle.

Qaar ka mid ah shacabkii saarnaa gaariga oo marqaati ahaan loo geeyey maxkamadda ayaa waxa ay sheegeen in xukunsanaha uu si ku tala gal ah u dilay Marxuumka.

Dhacdadaan ayaa si aad u qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana si aad ah dadwynaha uga falceliyeen dilka marxuumka oo maydkiisa saacado yaalay isbaarada.

Intii ay socotay maxkamadeynta ninkan ayaa la siiyey hadal kooban, wuxuuna sheegay in 11 isbaaro ay taalo inta u dhaxeyso labada magaalo kuwaas oo lacago lagu qaado.

Toogashada Cabdiraxmaan Cadow ayaa la filayaa in lala dadajiyo, si loo fuliyo amarkii madaxweynaha ee ahaa in la toogto qofkii isbaaro dhigta ama dil u geysta shacabka.

Ehellada marxuumka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ayaa intooda soo dhaweeyey xukunka ay ridday Maxkamadda, maadaama ay go’aan ka gaartay dhacdadii isbaarada Balcad.