Sawirro: R/Wasaare Xamza oo kulan la yeeshay wasiir ka socda Norway + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qabilay wafdi culus oo ka socda dowladda Norway.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaamineysay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway Anne Beathe Tvinnereim, taas oo soo gaartay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka kid yihiin xoojinta xariirka labada dowladood iyo iskaashiga labada dalka gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta Soomaaliya.

Anne Beathe Tvinnereim oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in dowladda Norway ay ka go’antahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi bARRE uga mahad celisay qaabilaadda iyo soo dhoweynta uu ugu sameeyey magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha oo isna hadal kooban jeediyey ayaa ku amaanay Norway taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Norway ayaa ka mid ah waddada reer Yurub ee haatan xiriirka wanaagsan laleh dowladda Soomaaliya, waxayna safaarad rasmi ah ku leedahaya gudaha caasimada Muqdisho.