Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta xiisad culus laga dareemayo gobolkaasi, taas oo u dhexeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Puntland.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in Puntland ay haatan heegan buuxa gelisay ciidamadeeda ku sugan gobolka, si ay uga hortagaan abaabul culus iyo qorshe ay Villa Soomaaliya ka waddo halkaasi, si Sanaag loogu daro dhismeystirka SSC-Khaatumo.
Dadka ayaa innoo sheegay in sidoo kale ciidamo dheeraad ah la geeyay magaalooyinka y degmooyinka Dhahar, Xingalool iyo Ceelbuh, si ay u xoojiaan kuwii horay u joogay halkaasi.
Sidoo kale ciidamada Puntland ee lagu diyaariyay Sanaag ayaa la sheegay in qorshahooda uu yahay in ay is hortaag ku sameeyaan wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka oo la filayo inay maanta gaaraan magaalooyinka Dhahar iyo Xingalool, si ay halkaas uga sii dardargeliyaan abaabulka culus ee ay Dowladdu ka waddo gobolkaasi.
Wafdigan culus ee ka baxay Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), kaas oo kasoo jeedo deegaanka, waxaana qorshihiisu yahay inuu dhaqaajiyo abaabulka ka socda Sanaag.
Dhinaca kale, wararka laga helayo gobolka ayaa intaasi kusii daraya in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo la safan Villa Soomaaliya uu xalay isaga baxay deegaanka Ceelbuh, kadib markii ay la hadleen ciidanka Puntland ee ku sugan aaggaasi, wuxuuna aaday dhanka magaalada Laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in wada-hadal dhexmaray isaga iyo saraakiisha ciidamada, kadibna la’isku afgartay in isaga iyo ciidamadiisa ay ka baxaan deegaanka, si looga hortago isku dhac hubeysan oo ka dhaca halkaasi.
Waxaa sidoo kale jirta cabsi xooggan oo laga qabo in dagaal toos ah uu ka dhex qarxo Villa Soomaaliya iyo Puntland, maadaama uu xoogeynayo loollanka u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo horay isugu haya arimaha siyaasadda, gaar ahaan dastuurka & doorashooyinka.
Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay faragelin siyaasadeed iyo qalalaase ka wado gobolka Sanaag, iyada oo adeegsaneysa siyaasiyiin ka soo jeeda gobolkaasi.
Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase xaaladdan soo korortay ay imaaneysaa, iyada oo shalay dowladda dhexe ay guda gashay dhammeystirka maamulka SSC, waxaana la magacaabay guddigii farsamada ee ka shaqeyn lahaa howshaas.

