Ciidamo ku hubeysan gaadiid dagaal oo caawa la wareegay qeybo ka mid ah Garowe

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamo aad u hubeysan ayaa Caawa si buuxda ula wareegay Kontoroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe.

Ciidamada la wareegay Kontoroolka ayaa la sheegay inay wataan Gaadiid Dagaal oo tirro ahaan lagu sheegay ilaa Lix gaari oo ay la socdaan Ciidamo aad u farabadan.

Ciidamadaani ayaa hakiyay dhammaan isu socodka Gaadiidka iyo Shacabka waxaana la sheegayaa in waddooyinka ay dhigeen biro waaweyn.

Ciidamadan ayaa la sheegay in sababta ay ula wareegeen halkaasi ay tahay Mushaar la’aan dhowr bil ah, waxa ayna Maamulka ka dalbanayaan inay bixiyaan xuquuqdooda.

Ciidamadaani ayaa waxaa ku jira kuwo horey ula wareegay xarunta Baarlamaanka Maamulka Puntland oo aan weli arrintooda la xalin.

Maamulka Puntland ayaan bixin Xuquuqda Ciidamada har iyo habeen usoo jeeda ilaalinta Shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com