Farmaajo Maanta waa bil jirsaday waana Arbaco, waxa u qabsoomay iyo arrimo yaab leh oo la arkay

Muqdisho (Caasimada Online) – 08 February 2017 maalin Arbaco ah ayey aheyd markii uu Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku guuleystay doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Haddaba waxaa la arkay arrin yaab leh oo ah inu Farmaajo bil jirsaday sidoo kalana ay kusoo aaday maalin Arbaco 08 March 2017.

Maxaa u qabsoomay Farmaajo?

Madaxweynaha Soomaaliya tan iyo markii la doortay waxaa u qabsoomay dhawr arrin oo kala ah:

– Inuu la wareegay maamulka talada Villa Soomaaliya

– Inuu sameystay xaflad caleema saar heer sarre ah ayna kasoo qeyb galeyn madax ka kala socotay wadamada Africa.

– Wuxuu madaxweynaha xilka Ra’isulwasaaranimo u magacaabay Xasan Cali Kheyre waxayna aheyd tallaabadii ugu weyneyd ee uu sameeyey bishaan

– Madaxweynaha ayaa ku guuleystay inuu Ra’isulwasaraha uu magacaabay kalsooni buuxda uga helo Baarlamaanka Soomaaliya.

– Halkii bil ee Farmajo uu joogay waxaa magaalada ka dhacay dilal iyo qaraxyo qarosheysan

– Madaxweynaha ayaa saraakiisha ciidamada ku amray inay sugaan amniga ama ay xilka iska wareejiyaan.

– Madaxweynaha ayaa markii ugu horreysay hoggaamiyey shir caalami ah oo ka dhacay Muqdisho.

– Madaxweynaha ayaa la kulmay hey’adaha gargaarka bixiyo wuxuuna ka codsaday inay si deg deg ah dadka abaaraha saameysay wax ugu qabtaan.

iyo waxyaabo kale oo aan inta lagu soo koobi karin, waxayna intaan uu qabtay madaxweynaha muujineysaa dadaalkiisa iyo kartida uu u leeyahay inuu dalka hoggaamiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com