Golaha wasiirada Kheyre oo hal arrin kaga duwanaan doono kuwii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan la filayaa in lasoo magacaabo golaha wasiirada cusub maadaama uu Kheyre ku jiro la tashiyadii ugu dambeeyey ee beelaha Soomaaliyeed waxaana lagu wadaa inay noqdaan ilaa 25 wasiir.

Haddaba xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa xaqiijineyso inay golaha wasiirada Kheyr hal arrin uga duwanaan doonaan wasiiradii hore dalka usoo maray.

Wasiiradii hore ayaa lagu arki jiray hal shaqsi oo isku hayo laba xila sida Ra’isulwasaare ku xigeena ahna wasiir hebel balse xukuumadda cusub waxaa la filayaa inaysan wadaas marin.

Illo ku dhaw dhaw Ra’isulwasaaraha ayaa madaxweynaha ayaa tilmaamayo inay ka fiirsan doonaan in la arko hal qof oo laba shaqo haayo waxayna aaminsan yihiin inuu shaqsiga leeyahay hal maskax uuna qaban karo hal shaqo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ballan qaaday inuu soo magacaabi doono Ra’isulwasaare waxqabad leh dalkana wax badan kusoo kordhin karo wuxuuna keenay Xasan Cali Kheyre oo ah shaqsi firfircoon.

Taas mid lamid ah waxaa ballan qaaday Kheyre oo sheegay inuu isna keeni doono wasiiro waxqabadkooda uu noqon doono mid laga dareemo dalka waxaana la sheegayaa inuusan hal qof laba shaqo qaban ay kamid ah tahay istaraatiijada uu adeegsan doono Kheyre oo ah nin lasoo shaqeeyey hey’ado caalami ah.

Asbuuca soo socdo ayaa la sugayaa sida uu u hirgalo ballanqaadyada Ra’isulwasaaraha iyo sida ay noqdaan golaha wasiirada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com