Deg deg: Ciidamo uu dalbaday Axmed Shariif oo kusoo dhawaaday Cadaado iyo Cabdi Qeybdiid oo…

Cadaado (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegayo inay soo geli rabeen Ciidamo uu dalbaday Axmed Shariif oo ka imaaday Magaalada Gaalkacyo.

Axmed Shariif ayaa Sarkaal ay isku laf yihiin u diray Lacag aad u badan isla markaasna wuxuu ka dalabaday Ciidamo iyo Gawaariga dagaalka.

Sarkaalkii howshaas loo dirsaday ayaa ciidamo badan u qeybiyey lacag, waxaana lasoo sheegayaa in intii ugu badneyd ciidamadaas lacagta la siiyey ay diideen inay aadaan Magaalada Cadaado si ay dagaal u huriyaan oo ay Beeshooda dhexdeeda ka dhaliyaan Colaad.

Markii ay sidaas dhacday  Sarkaalkii ayaa soo diray laba Gaari oo kuwa dagaalka ah ee loo yaqaan (Cabdi Bile) iyo hal gaari Suug ah, waxayna soo aadeen Magaalada Cadaado si ay garab u siiyaan Axmed Shariif oo doonayo inuu iska hor keeno dadka walaalaha ah.

Markii ay Ciidamadaas kusoo dhawadeen Magaalada lagana war helay ayaa waxaa ka hor tagay qaar ka tirsan Xildhibaanada Cadaado u joogo inay badbaadiyaan Galmudug oo uu kamid yahay Sanatar Cadbdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Cabdi Qeybdiid ayaa u sheegay ciidamadaas inay si deg deg ah ugu laabtaan halka ay ka imaadeen, waxaana foodo iyo qas badan kadib lagu guuleystay in Ciidamadii lagu celiyo Magaalada Gelinsoor.

Markii ciidamada la celiyey ayaa waxaa arrintaan ka fadhiistay odayaasha Sacad iyo kuwa Saleebaan ee deegaanka Cadaado ku sugan, waxaana lagu heshiiyey in si dhibaatada looga fogaado isla markaasna Cadaado u noqoto meel nabad ah in laga saaro Axmed Shariif waddo kasta oo loo mari karana la sameeyo.

Odaaysha Saleebaan iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada ku sugan halkaas ayaa xal u arkay in Axmed Shariif laga saaro Magaalada, maadaama uusan aheyn Mas’uul ka tirsan dowladda Galmudug taas badalkeedana uu doonayo inuu Maamulka dumiyo iskana hor keeno dadka walaalaha ah gaar ahaan Beesha Sacad gudaheeda iyo sidoo kale Sacad iyo Saleebaan oo hadda noqday laba beel oo iska iloobay wixii horey usoo dhacay diyaarna u ah inay maamulkooda ilaashadaan.

Axmed Shariif ayaa laba berri ka hor Magaalada Muqdisho looga diray lacag gaareyso ilaa 350 Kun oo Dollar oo lagu doonayo in lagu daadiyo dhiigga walaalaha is dagaashan, waxayna Caasimadda Online heysaa Waraaqdii rasmiga aheyd ee Axmed Shariif lacagtaas loogu diray waan idiin soo gudbin doonaa markaa an ka fiirino inay waafaqsan tahay shuruucda iyo istaraatiijada Shabakadaan.

Axmed Shariif oo kasoo jeedo lafta Ayaanle ee Sacad ayaa la sheegay inuu weli iloobi la’yahay guuldaradii kasoo gaartay doorashadii ka dhacday Cadaado ee maalin Cad Soomaalida horteeda looga guuleystay.

Sababta keentay inuu Axmed Shariif iloobi waayo guuldaraas kasoo gaartay doorashadii Madaxweyne Xaaf ku guuleystay ayaa lagu sheegay inay tahay markii uu halkaas ku waayey lacag aad u badan.

Axmed Shariif ayaa Doorashadii Cadaado ka dhacday ku siiyey lacag min shan Kun oo Dollar ah ilaa 46 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug kuwaas oo markii dambe codka ugu shubay Madaxweyne Xaaf, wuxuuna ujeedkiisa ugu weyn yahay sidii uu lacagtaas uga soo ceshan lahaa xilka Madaxweynimo ee Galmudug taasoo dhibaato iyo dhiig daadin ku noqoneyso Shacabka iyo Madaxda kasoo jeedo Galmudug.

Odayaasha Dhaqanka ee Cadaado kasoo jeedo ayaa ku taliyey inuu Axmed Shariif iska dhaafo howshaan mas’uuliyad darada ah taasoo la aaminsan yahay inay dhaawici doonto xilliyada dambe ee uu isku soo sharixi doono xilka Madaxweyne ee Galmudug, maadaama ficilada noocaan oo kale ah ay muujineyso inaan lagu aamini karin aayaha iyo mustaqbalka Shacabka Galmudug ku midoobay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla socodsiin doonaa, marka kastana waxay Caasimadda Online u taagan tahay inaan la dumin Maamul Goboleedyada isla markaasna aan deegaanadaas lagu celin dhibaatadii la ogaa ee soo martay, taasoo Soomaaliya dhibaato ku noqoneyso maadaama dalka uu hadda yeeshay dowlad diyaar u ah inay mideyso Shacabka Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo.