DEG DEG: Dagaal goordhow ka dhacay Dhuusomareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in dagaal uu caawa ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhacay dhismaha Shiirkole, oo ah halka loo diyaariyey inuu ka dhaco shirka dibs u heshiisiinta Galmudug.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii ciidamo boolis ah ay weerar ku qaadeen ciidamada nabad-sugidda ee ilaalada ka ah hoolka Shiirkolo ee shirka uu ka dhacayo.

Dad xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamo boolis ah oo ka carooday in shaqadoodii laga hor istaago Haween shaqooyin hoose ka qaban jiray xarunta ay weerarka qaadeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado kooban socday.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka.

Saraakiil ka tirsan Galmudug iyo xubno dowladda ah oo ay wehliyaan Guddiga shirka dib u heshiisiinta ayaa la soo sheegayaa iney durba ku bexeen dirirta, kuwaasoo isku dayaya sidii ay xal uga gaari lahaayeen xiisada gacan ka hadalka isku rogtay markii danbe.

Maanta oo la fillaayay in shirweynaha dib u heshiisiinta ka furmo magaalada Dhuusamareeb ayuu markii labaad dib u dhac ku yimid, sababo ku aadan Ergooyinka oo aan soo wada gaarin Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com