Doorashada guddoonka baarlamanka Jubaland oo maanta dhaceysa

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaan in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose lagu qabto doorashada guddoonka baarlamaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ayaa waxaa ay isugu jirtaa guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Qaban qaabadii ugu dambeysay iyo diyaar garowga doorashadan ayaa haatan si weyn looga dareemayaa gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale ammaanka ayaa si xoogan loo adkeeyey, iyadoo xarunta ay ka dhaceyso doorashada ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Jubbaland ayaa isku soo sharraxay doorashadan, kuwaas oo horay u jeediyey khudbadaha ay uga hadlayeen wax qabadkooda.

Musharrixiinta illaa hadda ay soo bandhigeen guddiga doorashada ayaa waxaa ka mid ah saddexdii guddoomiye ee baarlamaanka koowaad oo uu waqtigiisa dhamaaday.

Doorashada madaxweynaha oo markale dib loo dhigay ayaa iyaduna dhici doonto 22-ka bishan, sida uu shaaciyey guddiga madaxa banaan xuduudaha iyo doorashada Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com