Dr. Baadiyow oo Muqdisho looga yeeray iyo SHIRKII GALMUDUG oo baaqday

Muqdisho(Caasimada Online) – Dib u dhacii labaad ayaa ku yimid shirka dib-u-heshiisiinta beelaha dega deegaanada Galmudug oo lagu waday in Sabtida barito uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Baaqashada shirka ayaa imaaneysa, iyadoo inta badan Ergooyinkii ka qeyb gali lahaa shirka ay maanta ka dageen magaalada Dhuusamareeb, halka qaar kale oo ka mid ah Ergada shirkaas ay maalmihii lasoo dhaafay Dhuusamareeb ku gaareen safarro dhulka ah oo ay uga kala yimaadeen deegaanada ay ku matalayaan shirka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow ay madaxda ugu sareysa dowladda federaalka uga yeertay Muqdisho, sidaasna uu galinkii dambe ee maanta Muqdisho kusoo gaaray.

Xubnaha guddiga qaban-qaabada shirka wali ma shaacin sababta ka dambeysa baaqashada shirka, balse Caasimada Online ayaa ogaatay in qaar kamid ah beelaha Galmudug ay kasoo hor jeesteen ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb.

Sida aan ku helnay Xogta, waxaa gabi ahaanba iska diiday inay tagaan shirka Dhuusamareeb Ergadii ku matali lahayd beelaha dega magaalooyin ay ka mid yihiin Cadaado, Xeraale iyo Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com