Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda oo maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xooggan oo u dhaxeeya askar ka wada tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa galabta ka dhacay isgoyska Siinaay, waxaana ka dhashay khasaare, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in askarta dagaalantay ay ka kala tirsan yihiin hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA iyo Ciidanka Xoogga Dalka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Milatariga oo waddada marayay ay isku dayeen inay xoog ku maraaan kontarool ay ciidamada NISA ku leeyihiin halkaasi, kadib markii ciidanka NISA ay u diideen inay gudbaan.

Ciidamada NISA ayaa bishii hore la geeyey dhammaan kontoroolada magaalada Muqdisho, ayaga oo beddelay booliska kadib markii booliska ay noqdeen kuwa musuq-maasuq badan, oo la iibsan karo, taasi oo halis gelisay amniga caasimadda.

Daa goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay jiraan khasaare ka dhashay dagaalka ciidanka oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay balse weli ma cadda tirada rasmiga ah.

Xaaladda ayaa haatan deggan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir oo ku aadan dagaalka.

Magaalada Muqdisho waxaa marar badan ka dhaca isku dhacyo dhex mara ciidanka dowladda oo sababo kala duwan leh, waxaana ka dhasha khasaare soo kala gaara dhexdooda iyo sidoo kale dad shacab ah.