Maxaa kooxda Al-Shabaab u sahlay in aanay burburin xilli laga dilay madaxdoodii?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo weli ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxa dhowr jeer laga dilay hoggaamiyeyaal sar-sare, halka kuwa kale ay kasoo baxeen, waxaaana muuqata in arrintaas ay saameyn ku yeelan dhaq-dhaqaaqii guracnaa iyo awoodii kooxda.

Su’aashan oo dad badan is-weydiiyan ayaa waxaa la hordhigay Ibraahim Aadan Ibraahim oo ah La-taliyaha wacyi-gelinta iyo abaabulka bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weli usii jiraan ay tahay in qaab dhismeedka kooxda u sahlayo inaysan saameyn ku yeelan madaxdooda sare haddii ay meesha ka baxaan.

“Hoggaanka dhimashadiisa waxa uu saameyn ku yeesha maamulka iyo nidaamka uu hogaaminayo marka uu yahay qof maamulka ku jira, qofka u yar, kan dhexe iyo ka u sareeya uu hoggaanka ku xiran yahay, ururka qaabka uu udhisan yahay sidaas ma ahan oo hoggaanka cidda aragta ayaa yar,” ayuu yiri.

“Dadka shaqada haya heer degmo, heer gobol ama ciidan jabhad ha ahaado nin walba nin ayaa ka sareeya oo madax ka ah, nidaamka waa mid diyaarsan oo shaqadiisa iyo howlihiisa haysta oo dhaqaalihiisa iyo wuxuu rabo meel uu ugu hagaago haysta. Ninka hoggaamiyaha ah howshaas ayuu kormeerayaa.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab iyo maamulada kale ee dhexdooda laheyn wada-shaqeyn toos ah, balse ay jiraan saraakiil kale oo u dhaxeysa, taasi oo keenaysa in saameyn xoogan ku yeelan weydo dhimashada qofka hoggaanka ah qaab-howleedka kooxda ama shaqadeeda.

“Waxaa laga yaaba in caawa degmo uu soo galo, guddoomiyaha degmada iyo kan gobolka ma oga. Isaga oo iska shaqsi ah uu magaalada dhinaca kasoo galo oo uu iska joogo ayaa dhici karta. Dad ayaa maamula meesha oo amarka u dambeeya ee lama taabtanka ah waxaa iska leh Amniyaat-ka, iyagana kuli u xilsaaran oo iyaga iyo kuwa degmada iskuma xirna oo waa ka madax-banaan yihiin.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Axmed Diiriye in uu dhintay ayaa dhici karta yaa og, maadama ay yar tahay dadka arka, uuna kasoo muuqan waajibaadka ururka. Marwalba ma saameynayso dhimashada hoggaankooda sare howshuna sidaas ayay usii soconeysa maadama uusan markii horeba saameyn weyn ku laheyn.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa muddooyinkii dambe dagaal culus kaga socday qeybo badan oo dalka, kaasi oo kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.