Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku dhintay QARAX loogu xiray sariirtiisa

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya goboolka Gedo ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka lagu dilay qarax ka dhacay duleedka degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca loo yaqaano miinada ayaa waxa lasoo warinaya in sarkaalka loogu xiray sariirtii uu ku jiifay. Sarkaalkan ayaa lagu magacaaba Dhamme Maxamed Aweys wuxuuna ahaa taliyihii ururka 28-aad ee ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha la dilay ayaa maalmo ka hor la wareegay xeradii ay soo banneeyeen ciidamada Gorgor ee muddada dheer ku sugnaa gobolka, kuwaasi oo halkaasi looga soo saaray amarka madaxweyne Xasan Sheekh.

“Meesha ay wax ka dhaceen waa xerada ciidanka, waxay ka go’an tahay xeradu magaalada inteeda kale, dadka shacabka meel ay ka warqabi karaan waxa ka jira ma ah. Waxa nala yiri ninkii taliyaha meesha ahaa sariirtu seexanayay ayaa qarax loogu xiray, waxa nala yiri oo kale barsad uu harsanayay oo xalay ku bary ayaa loogu xiray qaraxa,” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacada Shabelle.

“Dagaal lagu soo qaaday iyo xabado socday majiro. Qaraxaas kaliya ayaa dhacay oo magaalada waa xiran tahay oo waa bandow, magaalada intaas ayaa ka dhacday oo halkaas qarax ayaa ka dhacay.”

Sarkaalka la dilay ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in uu saaxib dhow la ahaa taliyihii hore ee Nabad-sugidda gobolka Gedo, Baakal Kooke oo isagana qarax lagu dilay daba-yaaqada sanadkii hore.

Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka sarkaalkan, iyada oo warbaahinta kooxda oo soo xiganaya saraakiil Shabaab ah ay sheegeen in uu ahaa “howl-gal si heer sare ah loo qorsheeyay”, islamarkaana ay fuliyeen ciidamadooda.

Kooxdu faah-faahin intaas ka badan kama bixin dilkan miinada loo adeegsaday ee ka dhacay gudaha xerada ciidan ee ku taalla duleedka Beledxaawo.

Qaraxan uu ku dhintay taliye Dhamme Maxamed Aweys ayaa durtaba waxaa kasoo baxaya tuhuno kala duwan, maadama qaraxa galaaftay noloshiisa loogu xiray sariirtiisa, isla xerada ciidanka dhexdiisa.

Illaa hadda ma-jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Gedo oo ku aadan qaraxa lagu dilay taliyihii ururka 28-aad ee ciidamada xoogga dalka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fuliya gobolka Gedo, oo iyagu weli gacanta ku haya deegaano ka tirsan gobolkaasi.