Xog: Al-Shabaab oo sabab yaab leh u toogatay lix ka mid ah dagaalamayaashooda

Xarardheere (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta toogatay 6-xubnood oo ka mid ahaa dagaalamayaashooda ku sugan duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib markii laga shakiyey.

Sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, lixda dagaalame ee la toogtay waxay ku tashadeen inay kooxda ka goostaan, laakiin waxaa ka war helay amiiradooda oo tallaabo deg deg ah ka qaaday.

Lixda xubnood waxaa lagu toogtay goob fagaare ah, waxaana lagu hor dilay raggii ay horay uga tirsanaayeen oo ay ka soo goosa rabeen, si ayaguna ay ugu quus qaataan.

toogashadaas ayaa maanta ka dhacday tuulo lagu magacaabo Wadaariq oo hoos tagta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo Al-Shabaab ay maamulaan.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee aagga Xarardheere howlgallada ka wada ayaa xaqiijiyey dhacdadaan, sidoo kale dad ku nool tuulada Wadaariq oo toogashadaasi ay ka dhacday ayaa Caasimada Online la hadlay.

Falkaan ay galabta sameeyeen Al-Shabaab ayaa argagax ku abuuray dadkii ku noolaa tuulada, Wadaariq waa deegaan ay ku sugan yihiin Shabaab badan oo u diyaar garoobay inay iska difaacaan duulaanka dowladda, sida ay noo sheegeen dadka ku nool deegaankaas.

Qaar ka mid ah qoysaska ku nool tuuladaas Wadaariq oo hoos tagta Xarardheere waxay kooxdu ka soo barakicisay deegaano kale, si ay gabaad uga dhigtaan dadka shacabka ah oo duulaanka iyo duqeybta dowladda ay uga badbaadaan.