Daawo: Madaxweyne Xasan oo ka hadlay sharciyadda cusub ee DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadlay sharciyada cusub ee dowladda federaalka, kuwaasi oo qaarkood dhaliyay dood badan.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in sharciyada cusub ee dowladda federaalka ay sameeynayso ay yihiin kuwo ilaalinaya danaha guud ee dalka, sidaas darteedna ay muhiim u yihiin dowladnimada Soomaaliya.

“Sharciyada cusub ee dowladdu sameyneyso waa kuwo ilaalinaya danaha guud ee dalka, qaanuunka dal iyo dibadba waa na ilaalinayaa, qofka Soomaaliga ah naftiisa iyo xoolahiisa buu ilaalinayaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dooda iyo hadal-haynta ka dhalatay sharciyada cusub ee la horgeeyay baarlamaanka, wuxuuna sheegay in dowladnimada ay ku dhisan tahay sharciyada ayna tahay in midaas fahmaan bulshada, oo ayada lagu dhowrayo xeerarkaasi.

“Baryahaan xeerar badan oo ganacsiga, dhaqaalaha iyo amniga quseeya ayaa baarlamaanka qaar ka doodayay qaar marsiiyay oo qaarna weli sugaya. Baarlamaanka un ma ahan xataa qaar banaan ka qeylinaya ayaa jira. Xoriyad ayaa leedahay waxaa xoriyad ku leedahay inta dadka kale xoriyadooda ilaashan tahay, sharciguna taas ayuu jideynaya.”

“Maalin walba ninka jooga caqligiisa naguma filna ee waxay dowladdu nagu ilaalin kartaa qawaaniin joogto ah oo ka dambe iyo ka kasii dambeeya u joogo ayay nagu ilaalin karta. Qawaaniinta in hantida qofka Soomaaliga ah lagu qabsado ayay ka ilaalinee.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa. “Adduunka waxay dowlad ahaan kula dhaqma hadba inta uu qanuunkaaga la’egyahay. Haddaad qaanuun iyo nidaam laheyn wax ka celinaya malahan sidii la rabo ayaa laga yeelaya.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday dadka Soomaaliyeed in dowladda ay ku garab istaagan sidii ay u yeelan lahaayeen sharciyo ilaalinaya muwaadiniinta iyo sharafta dowladnimada.

“Hadduu qaloocday farta ku fiiqa oo meeshaan ayuu ka qaldan yahay dhaha waa la bedela, wax boqolkiiba boqol sax ah wax Ilaahay keenay ayaa ka jira, waa la hormarin karaa, sidaas darteed aan dulqaadano oo ogolaano in dalka qawaaniin yeesho si dowlad u yeesho, dowladiisuna u awood badnaato.”