Shirkii beesha Xawaadle oo laga soo saaray qodobo xasaasi ah

Nairobi (Caasimada Online) – Shirweyne laba maalmood magalada Nairobi ee dalka Kenya uga socday beesha Xawaadle ayaa lasoo gabagabeeyey, iyadoo laga soo saaray war-saxaafadeed dheer oo ka kooban 16 qodob.

Shirkaas waxaa ka qeyb galay siyaasiyiinta beesha, haweenka, dhalinyarada, waxgaradka, Culimada iyo Ganacaatada, wuxuuna ahaa mid beeshu ay aayaheeda uga tashaneysay.

Shirka waxaa loogu magac-daray shirka Marxuum Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ahaa dadkii muhiimka ahaa eek u dhintay dagaaladii beesha Xawaadle ay la gashay kooxda Al-Shabaab.

Bayaanka laga soo saaray shirkaan ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan metelaada beesha ee dowladda dhexe oo saluug uu ka jiro, dagaalka Al-Shabaab, dib u heshiisiin ka bilaabaneysa Hiiraan, dagaalka Laascaanood iyo tabasho ay beeshaan ka qabto awood qeybsiga dowlad goboleedka HirShabeelle.

War-murtiyeedka kasoo baxay Shirweynaha Beesha Xawaadle waxaa ugu horeyn tacsi loogu diray dhamaan dadkii ku geeriyooday dagaallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka dhacay gobolka Hiiraan iyo gobollada kale ee dalka.

Beeshaan ayaa cadeysay tabasho ay ka qabto hanaanka uu u dhisan yahay maamulka HirShabeelle oo Madaxweyne ku xigeen iyo kuraas kale oo muhiim ah ay ku leedahay, tabashadaan oo mudo dheer ay qabtay beeshu, waxay hadda madaxda dowladda federaalka ka codsatay in la saxo waxa qaldan.

Waxaa sidoo kale qodobada war murtiyeedka Beesha Xawaadle ka mid aha in Beesha ay saluugsan tahay matalada iyo xilalka ay ku leedahay dowladda dhexe.

Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa in maqaamka ay mudan tahay ay ka hooseeyaan jagooyinka laga siiyey dowladda federaalka, waxayna beeshu ugu baaqday madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamse Barre in ay si deg deg ah wax uga qabtaan tabashada beesha.

Beesha Xawaadle ayaa sidoo kale ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalada ka socda magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya Somalilad iyo beesha degta gobolka Sool, isla markaama lagu dhameeyo wax walba miiska wadahalka.

Qodob ka mid ah war-saxaafadeedkaan wuxuu xusayaa in guddoomiye Cali Jeyte ay beeshu u aqoonsatay halyey ku suntay geesinimo, iyadoo tacsi loogu diray dhamaan dadkii ku shahiiday dagaaladii dhacay oo Nabadoon Cilmi Hagar Guure uu ku jiro.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran: