Maamulka JOE BIDEN oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda Ruushka

Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa kama dambeys caddeeyey in dalka Ruushku uu galay “dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada” intii lagu jiray duullaanka sanadka socday ee uu Ukraine ku qaaday, sida ay Sabtidii sheegtay madaxweyne kuxigeenka dalka Kamala Harris.

Iyada oo ka hadlaysa Shirka Amniga ee Munich ayaa Harris oo horay u soo noqotay dacwad ooge ay tiri “xaaladaha falalka Ruushka ee Ukraine waxaan eegnay caddeymaha, waxaan ogaanay halbeegyada sharciga ah oo aan shaki ku jirin, in ay jiraan dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada.”

Harris ayaa intaas raacisay “Waxaanan u sheegayaa dhammaan kuwa dambiyadan geystay iyo madaxdooda oo ku daawanaya, in lala xisaabtami doono.”

Go’aankan rasmiga ah, kaas oo yimid ka dib eegis xagga sharciga ah oo ay sameysay Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku, ayaanan wax raad degdeg ah ku keenin doonin dagaalka hadda socda.

Hase yeeshee, Washington ayaa rajeynaysa in arrintan ay kaalin ka geysan karto sii go’doominta madaxweyne Vladimir Putin, isla markaana ay mideyn doonto dadaalada lagula xisaabtamayo xukuumaddiisa, marka ay noqoto maxkamadaha caalamiga ah iyo dhinaca cunaqabateynada.

Hadalka Kamala Harris ayaa yimid xilli ay hogaamiyeyaasha dalalka reer Galbeedku ay ku kulmayaan magaalada Munich ee dalka Jarmalka si ay u qiimeeyaan xasaraddii ugu xumeyd ee Yurub ka dhacda ilaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka.