Puntland iyo Galmudug oo gaaray iskaashi cusub oo ka kooban afar qodob (Aqriso)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dolwad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa sii xoojiyey iskaashiga dhinaca amniga, xili uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Nabadoonada iyo odayaasha labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaa kulan isugu yimid, kaasi oo uu shir-guddoomiyey Faysal Sheekh Cali oo ah guddoomiyaha gobolka Mudug.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa taliyayaasha qaybaha booliska gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, waxgarad, saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Waxaa looga hadlay kulankan oo muddo saacada socday xoojinta nabada, ka hortaga xirmaysiga dhulka ka caagan deegaamaynta iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa wada-hadaladii horay u socday ee labada dhinac.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo baxay bayaan ka kooban afar qoddob, kuwaasi oo kala ah;

1. In la isu celiyo hantida ku kala maqan labada dhinac sida Xoolaha iyo Dhulalka loona balamo wakhti cayiman.

2. In la fududeeyo lana dadajiyo bixinta magahii horay loogu heshiiyey loona balamo wakhti rasmiya.

3. In ay mamnuuc tahay xirmaysiga dhul daaqsimeedka ay ka caagan tahay deegaamaynta.

4. In wacyi-galin bulsho loo sameeyo bulshada iyo xoola dhaqatada deegaanada bariga magaalada Gaalkacyo si loo xoojiyo nabada iyo wada-jirka bulshada.

Ugu dambeyntiina waxay dhinacyadu isla qaateen in kulamo kale la isugu yimaado si go’aano iyo heshiis looga gaaro xukunka la marsiinayo dhulka ka caagan deegaameynta.