R/W Rooble oo dalka ka ceyriyey wakiilka Midowga Afrika Francisco Madeira

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka ka ceyriyey wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, wuxuuna u qabatay inuu dalka uga baxo muddo 48 saac gudahood. 

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka codsaday guddiga Midowga Afrika inuu dib ugu yeerto danjire Francisco Madeira uuna u hoggaansamo codsigan.

“Waxaan soo dhoweeneynaa howlgalka cusub ee ATMIS, waxaana sugyenaa inaan la shaqeyno madaxa cusub ee howlgalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble. 

Ra’iisul Wasaaraha ma bixin faah-faahin ku saabsan arrimaha uu ku lug yeeshay Madeira, balse waxaa mar walba jiray tuhun ku saabsan inuu yahay shakhsi aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo. 

Cayrinta danjire Francisco Madeira ayaa timid shan bilood kadib markii sidoo kale dowladda federaalka ay cayrisay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo oo la eryey 4-tii November 2021.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Simon Mulongo ku eedeysay “inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya.” 

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Simon Mulongo ku eedeysay “inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddoba maalmood gudahood.

 “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadin usoo jeedineysaa Guddiga Midowga Afrika, waxaana sharaf u ah inay la socodsiiyaan Guddiga, in shaqsiga hoos ku qoran [Simon Mulongo] laga dhigay ‘persona non grata’.”