KHEYRE oo lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey lacagtii laga xanibay Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre inuu ka dambeeyey lacagaha laga xanibay Somaliland.

”Khayre oo musharax madaxweyne ahi waxuu ahaa ninkii joojiyey lacagaha Somaliland,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Bishii September 2013 waxaa la aas-aasay Somaliland Special Arrangement oo loogu talo-galay in saddex (3) sano lagu shaqeeyo, si beesha caalamka ay Somaliland ula macaamisho si gaar ah oo ka madax-banaan dowladda federaalka, waxaana ogolaaday dowladdi madaxweyne Xasan Sheekh.

Doorashadii Soomaaliya iyo xukun kala wareegiddii 2016/2017 ayaa sanad qaadatay oo daahisay in dib loo cusboonaysiiyo heshiiskii Somaliland Special Arrangement. 

Ugu dambeyn June 9, 2018 ayaa xukuumaddii Xasan Cali Kheyre iska diiday in Somaliland Special Arrangement la cusboonaysiiyo, waxaana isla xilligaas joogsaday mashaariicdii caalamku siinayey Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Axaddii fasaxay lacag dhan 11.7 milyan oo dollar oo Somaliland laga xanibay, taasi oo isla shalay loo diray guddiga gurmadka suuqa Waaheen ee Hargeysa.

Rooble ayaa u muuqda inuu taageero ku helay arrintan, kadib markii uu u soo mahadceliyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Waxaa sidoo kale u mahad celiyey Faysal Cali Waraabe.