DAAWO: Nin muuqaal ka duubay ASKARI uu dilay oo lagu toogtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo Makhribkii lagu toogtay deegaanka Garasbaaley, kadib markii uu dilay hal askari.

Afhayeenka ayaa sheegay in dilkaas uu dhacay intii lagu howlanaa afurka, wuxuuna ninka askariga dilay duubaayey muuqaal muujinaya sida uu u dhacaayo dilka askariga.

Goobta uu afhayeenku ku qabtay shirkaan jaraa’id ayaa lagu soo bandhigay meydka ninka la toogtay ee ka tirsanaa Al-Shabaab, hubkiisii iyo kaamiradii uu ku duubay askariga uu dilay oo ka tirsanaa ciidanka minishiibiyada.

“Dhagarqabaha wuxuu watay kaamirad uu ku cadeynaayo askariga sooman ee uu dilay, sidoo kale wuxuu ku hadlaayey taleefoon, waana lagu hagaayey dilka askarigaas,” ayuu yiri Korneyl Cabdifitaax Aadan.

Ciidan kale oo ka agdhawaa goobta oo ka tirsan booliska Soomaaliya, ayuu sheegay inay isla goobtii ku toogteen ninkaas oo dilka askariga kadib isku dayey inuu goobta ka baxsado, balse aysan u suurta gelin.

“Waxaan uga digeynaa dhalinta Soomaaliyeed ee loo adeegsanayo inay dadka sooman dilaan xiligaan fadliga badan ee lagu guda jira bishaan barakeysan ee Ramadaan, waa idiin furan tahay gacanteena ee ka waantooba waxaas diin la’aanta ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenka booliska Soomaaliya.

Hoos ka daawo