Dowladda oo shaacisay khasaare culus oo Shabaab ka soo gaaray howlgal ka dhacay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyey howlgal culus oo ka dhacay gobollada Jubbooyinka.

“Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab,” ayaa lagu yiri warkaan.

Qoraalkaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkaas oo dhacay goor galab ah looga hortegay koox Shabaab ah oo qorsheyneysay weerarro culus.

“Hawlgalka ayaa xilli galab ah dhacay, waxaana looga hortagay koox ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo isku urursanayay xadka u dhexeeya gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana lagu burburiyay qorshihii Khawaarijta halkaasi ku maleegayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda ayaa sheegay inuu jiro taxadar culus, si looga hor tago weerarrada Al-Shabaab, iyadoo lagu guuleystay in laga hortago dhagaro badan oo Shabaab ay soo maleegayeen, sida lagu sheegay qoraalkaan.

“Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Mareykanka oo iskaashanaya ayaa khidad aad loo qorsheeyay lagana taxadaray waxyeelada shacabka u adeegsaday hawlgalka si loo dhabar jabiyo dhagartii Khawaarijta soo maleegtay, waxaana hawlgalka u fulay si guul ah,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Toddobaadkan gudihiisa waxaa hawlgal kale oo ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe lagu bartilmaameedsaday horjooge sare oo ka tirsan cadowga Khawaarijta ah ee Al Shabab, kaas oo ka mid ahaa horjoogayaasha muhiimka ah ee kooxda.”

Ugu dambeyntii warkaan ka soo baxay dowladda federaalka waxaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxa ay diiradda Koowaad saaraysa ciribtirka argagixisada Khawaarijta ah ee Al Shabab, waxaana sannadkan dagaalka lagu xididada siibayo laga gaaray guulo waa weyn.”