DF oo soo xirtay Sheekh MUQDISHO ‘ku faafin jiray fikradaha KHAWAARIJTA’

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa maanta soo xiray Sheekh Mustafa Cali Caanood oo lagu eedeeyey inuu faafiyo fikirka kooxaha xagjiriinta ah.

“Iyada oo laga duulayo go’aanka dowladda ee la xiriira ciribtirka fikirka marin habaabinta ah ee kooxaha Khawaarijta ah ayaa ciidamada Amnigu waxay xalay oo ku beegnayd November 13, 2022 soo xireen Mustafa Cali Caanood oo ah shakhsi caadeystey fidinta fikirka Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Hawlgalka lagu qabtay Mustafa ayaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana la qabtay xilli uu isku dayay in uu ka baxsado ciidamada amniga, sida qoraalka lagu sheegay.

Wadaadkan ayaa baraha bulshada marar badan lagu faafiyey muuqaalladiisa, isagoo gaaleysiinaya dad badan oo ay ka mid yihiin dhalinyaradda ciyaaraha jecel ee taageera kooxaha ka dhisan Ingiriiska iyo Talyaaniga.

“Mustafa Caanood ayaa ah shakhsi caadaystay faafinta fikirka Khawaarijta, waxaana fariimihiisu ahaayeen kuwa loogu talo-galay in lagu marin habaabiyo dhalinyarada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Sida ay sheegtay dowladda, Mustafa waxaa la horgeyn doonaa sharciga si loogu soo oogo dembiyada lagu eedeynayo. 

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay mar kale ku celinayso in ay mamnuuc tahay nooc kasta oo ah faafinta iyo dhiirigalinta afkaaraha qalafsan ee Khawaarijta, afkaarahaas oo inta badan loo adeegsadey in lagu laayobomolaal shacab ah oo aan waxba galabsan. 

“Waxaa kale oo reeban nooc kasta oo ah la macaamil iyo gacansiinta Khawaarijta naf la caariga ah. Dawladdu waxay uga mahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed doorkooda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xarigga Mustafa Cali Caanood ayaa yimid, iyadoo la sheegay inuu si buuxda u tageeray Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Federaalka Soomaaliya.