Sawirro: Ciidan iyo gaadiid dagaal oo qeyb ka noqonaya dagaalka Shabaab oo gaaray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa maanta gaaray ciidamo badan iyo ugu yaraan 30 gaadiidka dagaalka ah, kuwaasi oo ay hogaaminayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidanka iyo gaadiidka dagaal ee gaaray Qaayib ayaa waxay door muhiim ah ka qaadan doonaan howl-galada dagaalada ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saraakiisha iyo Masuuliyiinta kale ee la socotay ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay hadda u diyaarsan yihiin iska xoreynta Al-Shabaab, islamarkaana ay dhawaan howl-geli doonaan.

Ciidamadaan ayaa si gaar ah qeyb uga noqonaya dagaalka cadowga looga xoreynayo deegaanada ku yaala bariga gobolka Galgaduud, sida ay sheegeen saraakiisha hogaamineysay.

Arrintaan ayaa imaneysa xili ay dhawaan Ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen deegaano ku yaala bariga gobolka Galgaduuda sida; Wabxo, Warxoolo iyo deegaano kale, inkasta oo ay dib uga soo baxeen.