Daawo: Haweeney lagu tuhmayo qaraxii Istanbul oo la xiray + Dalka ay u dhalatay

Istanbul (Caasimada Online) – Turkey ayaa maanta ku eedeysay haweeney u dhalatay dalka Syria inay talaashay qaraxii lixda qof ku dilay magaalada Istanbul Axaddii, ayada oo ku eedeysay kooxda Kurdish-ka ee PKK inay fulisay weerarka.

Laba gabdhood oo da’doodu aheyd sagaal iyo 15 jir, ayaa ka mid ahaa dadka lagu dilay qaraxa oo ka dhacay waddada Istiklal Avenue. In ka badan 80 qof oo kale ayaa lagu dhaawacay.

“Qofka talaalay bamka waa la xiray,” ayuu wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu ku yiri bayaan uu soo saaray oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah Anadolu Agency.

“Sida ay muujinayaan xogaha aan helnay, ururka argagixisada ee PKK ayaa ka mas’uul ah,” ayuu yiri Soylu.

PKK, oo ah urur argagixiso oo liiska madow ay ku dareen Ankara iyo xulufadeeda Reer Galbeedka, ayaa muqaawamo dhimasho leh ka wadday gobolka iskiis isku maamul ee Kurdish-ka ee koonfurta bari ee Turkey tan iyo sideetamaadkii. 

Booliska, oo uu soo xigtay taleefishinka gaarka loo leeyahay ee NTV, ayaa sheegay in qofka ugu weyn ee la tuhunsan yahay ay tahay haweeney Suuriyaan ah oo u shaqeysa mintidiinta Kurdish-ka. Waxaa guud ahaan la xiray 46 qof, sida ay booliska sheegeen. 

Muuqaallo ay booliska la wadaageen warbaahinta Turkey ayaa muujinaya haweeney da’ yar oo xiran funaanad midab buluug-guduud ah oo booliska ay ku xirayaan dhisme ku yaalla Istanbul.

Booliska, oo ay soo xigteen NTV, ayaa magaceeda ku sheegay Alham Albashir, waxayna sheegeen in abaare 02:50 am lagu xiray duleedka Istanbul. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay inay tababareen sirdoonka PKK.

Taleefishinka NTV ayaa sidoo kale muujiyey muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka ammaanka oo muujinaya haweeneyd xiran surwaal iyo qamaar madow oo ka carareysa goobta qaraxa.

Wasiirka cadaaladda Bekir Bozdag ayaa taleefishinka A Haber u sheegay in haweeneyd ay 40 daqiiqo fadhisay goobta, “kadibna istaagtay”, ayada oo ka tagtay bac.

“Hal ama laba daqiiqo kadib, waxaa dhacay qaraxa,” ayuu yiri.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

AFP, VOA