Cawad: Doorasho qof iyo cod ah kama dhici karto Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa markii u horeysay ka hadlay barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod ee khilaafka siyaasadeed ka abuuray Puntland.

Danjire Cawad oo wareysi siiyay idaacada Daljir ayaa waxa uu sheegay in xiligaan ay Puntland ka dhici karin doorashooyinka qof iyo cod, maadama uu ku dooday in maamulka uusan buuxin shuruudaha aas-aasiga u ah doorashada noocaasi ah.

“Si loo qabto doorashooyin qof iyo cod ah, waa in ay heshiis ku yihiin oo isku raacsan yihiin dhamaan dadka ku nool meesha laga qabanayo,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad.

“Waa in dadka dalka jooga oo dhan ay xor u yihiin inay ka qayb-geli karaan doorashooyinka qof iyo cod waa Universal suffrage, cid kasta ayaa xaq u leh. Waa in aysan maamulin xukuumadda markaas jirta oo waxa la yiraahdaa level playing field dadka oo dhan waa in ay dhex u tahay, dadkaa iska leh.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in doorashada qof iyo cod ay u baahan tahay madax-banaanida guddiga qabanaya doorashooyinka, haddii kale loo adeegsan karo musuq maasuq iyo keligii-talisnimo.

“Waa in uu jiraa census wax la yiraahdo oo tira-koob waa in uu jiraa, oo dhammaan dadku tira-kooban yihiin, si loo hirgeliyo doorashooyinka qof iyo cod,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

“Doorashada noocan ah waxaa kale oo muhiim u ah madax-banaanida guddiga qabanaya doorashooyinka iyo inay jirto maxkamad dastuuri ah (constitutional court) oo xallisa haddii muran ka dhasho.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “hadddii laga weeciyo mabaadi’da aas-aasiga ah u ah doorashooyinka dunida ee doorashada qof iyo cod waxaa loo adeegsan kara musuq-maasuq iyo keligii-talisnimo, sida marar badan ka dhacday Ruushka.”

Danjire Cawad ayaa ugu dambeyntiin tusaale u soo qaatay dalka Ruushka oo sida uu sheegay markasta laga qabto doorasooyin qof iyo cod ah, haddana uu mar kasta uu ku soo baxo madaxweyne Vladimir Putin.