Macallin C/llaahi C/raxmaan oo lagu dilay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo maanta kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaas oo kadib goobta isaga baxsatay.

Dilka oo ka dhacay agagaarka Ex-Control Afgooye, gaar ahaan dhanka Haanta Dheer oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa waxaa loo geystay nin oday ahaa ioo lagu magacaabi jiray Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan, kaas oo caan ka ahaa deegaanka.

Marxuumka ayaa xilliga la dilayey ka soo baxay Salaaddii Subax, ayada oo rag hubeysan ay toogasho ku dileen, mana illaa iyo hadda sababta ka dambeysa dhacdadaan.

Allaha u naxariistee Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan ayaa Imaam ka ahaa masaajid ku yaalla halkaas, waxaana dilkiisa ka dambeysay burcad ah taleefoon ka dhaceysay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban sameeyey, balse ma jirto faaahfaahin dheeraad ah oo ay ka bixiyeen dhacdadaas iyo haddii ay jiraan inay dad usoo qab qabteen dilka.

Waa Imaamnkii labaad oo todobaadkan gudihiisa lagu dilayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo Jimcihii la soo dhaafay Dharkenley lagu dilay Sheekh Cabdicasiis Axmed Xirsi oo ahaa Imaamka Masaajidka dabaqeynka oo ku yaal degmadaasi.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey wajaheysay xaalad amni oo daran, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab culeys xoogan soo saartay gudaha caasimada, iyada oo kaga jawaabeyso dagaallada uga furan gobollada dalka.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay maalmo kahor soo saartay digniin ku saabsan weeraro ay Al-Shabaab la damacsan tahay Muqdisho.