DF oo war kasoo saartay dagaalka ka qarxay Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dagaal saaka ka qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamo daacad u ah madaxweynaha maamulkaasi iyo kuwa Badbaada ee kasoo horjeeda muddo kororsiga.

Dowladda ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ah ee saaka ka dhacay Baydhabo, ayada oo ku baaqday inay xiisada dejiyaan dhinacyada isku haya maamulkaasi.

Sidoo kale waxay ka dalbatay madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Musharaxiinta mucaaridka oo xiisada xoogan u dhaxeyso inay miiska wada-hadalka ku xaliyaan waxyaabaha la isku hayo.

“Dowladda federaalka waxay ku boorineysaa dhamaan qeybaha siyaasadda inay miiska wada-hadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, islamarkaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka ayaa sidoo kale imanaya ayada mid kamid ah siyaasiyiinta mucaaridka ee sida weyn uga soo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen uu sheegay in dagaalkii saaka uu maamulka u adeegsaday Booliska Federaalka, NISA iyo ciidamada Xoogga.

Xiisada siyaasadeed ee ka taagneyd muddo kororsiga Lafta-gareen ayaa u muuqata inay isku rogtay awood sheegasho ciidan iyo gacan ka hadal, kadib markii dhawaan ay mucaaridka uga dhawaaqeen maamulkaasi ciidamada Badbaada.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa hore u sheegay in maamulka Koonfur Galbeed aan looga baahneyn ciidamo badbaado, islamarkaana aysan ka shaqeyn karin, xili uu qorshahaan ka dhashay muddo kororsiga uu sameystay.

Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa maanta aad u kacsan, waxaana gebi ahaanba hakad galay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada.