Dhageyso: Galmudug oo ku dhawaaqday howlgal culus iyo 4 degmo oo la weerarayo

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, xili ay maalmihii dambe ku jireen diyaar-garowgii u dambeeyay.

Wasiirka Amniga ee Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe ayaa sheegay in howl-galka dagaal ee maamulka Galmudug uu ku wajahan yahay afar degmo oo ka tirsan maamulkaasi oo ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

“Galmudug waxay howl-galadeeda toos uga bilaabanayaan laba dhinac oo kala ah; deegaanadii uu hore maamulka gacanta ugu hayay amnigooda iyo dhinaca kale ee ciidamada HirShabelle kasoo socdaan,” ayuu yiri.

“Inta uu socday dagaalka HirShabelle waxay Galmudug ku jirtay difaac oo waxay sugeysay in si wada-jir ah u galaan ayada iyo dowladda federaalka, oo waxa la yiri marka uu dagaalka (HirShabelle) dhamaado ayaa dhinaca kale la bilaabaya. Waa mida aan hadda u diyaar-garownay oo difaaci ayaa laga baxaya oo hore u socodkii ayaa la galaya.”

Wasiir Gaboobe ayaa waxa kale oo uu meesha ka saaray in uu jiro isfaham la’aan soo kala dhex-gashay maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka oo ku aadan daahista howl-galada ka dhanka Al-Shabaab.

“Galmudug waxay kaga sugan yihiin Al-Shabaab marka la isku cel-celiyo waa afar degmo, marka balac loo eego KM ahaan wey u gaaban tahay laakiin dherer ayey u dheer tahay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in howl-galada ka bilaabanaya Galmudug aysan noqon doonin sida midkii HirShabelle ee dhinacyo badan ay ka gali doonaan, islamarkaana uu ku soo afjarmi doono muddo kooban, sida uu sheegay.

Hadalka Galmudug ayaa imaanaya xilli maalntii shalay dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay kala wareegtay degmadii ugu dambeysay ee maamulka HirShabelle ka tirsan, taasi oo aheyd Ruun-nirgood.

Halkan hoose ka dhageyso: