Xiisadda Koonfur Galbeed oo kasii dartay iyo mucaaradka oo war cusub soo saaray

Baydhabo (Caasimada Online) – Xiisada siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka taagneyd maamulka Koonfur Galbeed ayaa isku rogtay gacan ka hadal kadib markii uu maanta dagaal ku dhex-maray magaalada Baydhabo ciidamada maamulka iyo kuwa Badbaadada ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Musharaxiinta Mucaaridka oo goor sii horeysay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inay is-difaaci doonaan, ayna shacabka dagaalami doonaan haddii aysan sida ugu dhaqsaha badan usoo fara-gelin dowladda federaalka arrintaan.

“Lafta-gareen waqtigaaga wuu dhamaaday hadaad go’aansatay in aad qaabkan ku baxdo waa nasiib daro weyn, shacabka Soomaaliyeed qaasatan shacabka Koonfur Galbeed oo duruuf amni iyo abaaro ay haystaan uu damiirkaadu ku siiyay in aad weerarto guri shacab, runtii waa nasiib darro aad u weyn. Shacabka Koonfur Galbeed ayaa kula xisaabtamaya haddii dowladda dhexe kula xisaabtami weydo.”

“Dowladda dhexe saraakiisha u jooga Koonfur Galbeed ayaa qeyb ka ah. Cidkasta oo ka qeyb qaatay dagaalka waa la socona oo waxaa kow ka ah taliyaha qeybta booliska gobolka Baay, Abaandulaha NISA waxa kale oo qeyb ka ah Xildhibaan Mahad, magacyada waa badan yihiin qoraal ayaa kasoo saari doona.”

Sidoo kale waxay dalbadeen in ATMIS ay qaado tallaabo muuqato oo amniga lagu sugayo, haddii aysan qeyb ka aheyn rabitaanka guracan ee Lafta-gareen.

“Ciidankaas iyo hubkaas lagu leynayo shacabka ee meesha lagu khasaarinayo waxa loogu tala-galay in Shabaab lagu weeraro oo lagula dagaalamo Khawaarijta.”

Musharaxiinta Mucaaridka ayaa sheegay in Lafta-gareen uusan metelin dadka reer Koonfur Galbeed, islamarkaana uu yahay dambiile gacan ku dhiigle ah, sida ay hadalka u dhigeen.

“Shacabka Koonfur Galbeed waxaa leenahay maanta waxa dhacay ma ah wax aad u qalantaan ee haddii arrintaan wax lag qaban waayo waxa ku qasban tihiin in aad is-difaacdan. Waxaa wanaagsan in uu soo noqdo doorkii ay laheyd dowladda dhexe.”

Dhinaca kale, Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed oo war kasoo saartay dagaalka maanta ka dhacay Baydhabo ayaa si kale u dhigtay, ayada oo ku tilmaamtay kooxo burcad ah oo rabay qalqal-gelinta amniga.

“Ciidamada Amniga oo roondo ku jira ayaa kooxo burcad ah jidkooyo u dhigtay oo rabay in amniga qalqal geliyaan, waxkasta oo amniga qalqal galinayo gacan bir baan iskaga qabanena,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda amniga.

Qoraalka kooban ee kasoo baxay Wasaaradda ayaa u muuqda mid ay digniin culus ugu direyso qolyaha mucaaridka ee iyagu kasoo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen, xili ay ciidamadeedu weerareen guriga wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Fargeeti oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridka.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa Isniintii looga dhawaaqay Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed, kadib kulan ka dhacay magaaaladaasi oo looga hadlayey xaaladda Koonfur Galbeed iyo doorashadeeda.

Ciidamada Badbaadada oo sheegay inay usoo istaageen badbaadinta Koonfur Galbeed, ayaa si adag uga soo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen, waxayna sheegeen inay doonayaan isbeddel ku dhaca doorasho xor iyo xolaal ah oo ay u siman yihiin dhamaan dadka reer Koonfur Galbeed.

Arrimahaan ayaa uga sii daray xiisada siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, ayada oo gebi ahaanba ay fashilmeen dadaalo lagu rabay in xal looga gaaro, kadib markii ay xubnaha mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ganafka ku dhufteen shirka dib-u-heshiisiinta.