Daawo: DF Soomaaliya oo aqoonsatay SSC-Khaatumo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in ay si rasmi ah u aqoontay maamulka KMG ah ee SSC-KHHAATUMO oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka arrimaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo uu hareero taagan yahay hoggaamiyaha KMG ah ee SSC ayaa ku dhowaaqay go’aanka kasoo baxay dowladda.

Shir jaraa’id oo ay wada qabteen labada mas’uul ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay aqoonsan tahay bayaanka Isimadda SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Febraayo, kaas oo sheegayay in aysan ka tirsaneyn maamulada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dowladda Federaalka.

“XFS waxa ay mar labaad taageereysaa go’aannadii isimada dhaqanka ay shirweynahoodii Laacaanood kasoo saareen lixdii bishii Febraayo ee sanadkan 2023, ayadoona soo dhaweyneyso, isla-markaana la shaqeyneyso maamulka KMG ah ee ay dadka deegaankaas  dhisteen” ayuu warsaxaafadeedka ku yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaq u diresyo labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisadda, kadibna loo sameeyo xabad joojin rasmi ah.

“DFS waxay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ugu baaqeysaa xabad joojin iyo inay sii daayaan maxaabiista ay kala hayaan” ayuu mar kale yiri wasiir Fiqi.

Mawqifka dawladda Federaalka ayaa ah aqoonsiga maamulka KMG ah, taas oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo oo hadda dagaal kula jira Somaliland.

Si kastaba, go’aanka kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ah mid aad farxgelineyn Somaliland, waxaana in go’aankan uu sii kala fogeyn karaa labad dhinac oo uu wada-hadal usoo socday muddo aad u dheer, inkastoo sanadihii dambe ay hakad geleen.