Xudur (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha ayaa kasoo kicitimay magaalada Baydhaba oo uu xalay ku hoyday, kadib markii uu shalay gaaray magaaladaas oo xarun KMG u ah Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa Xudur kusoo dhaweeyay madaxweyne Lafta Gareen, guddoomiye Aadan Madoobe, wasiiro iyo xildhibaano maanta gaaray halkaasi.
Sidoo kale waxaa soo dhoweynta qayb ka ahaa saraakiila tirsan ciidamada Xoogga dalka, maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriir dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, maadaama la filayo in Koonfur Galbeed uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Madaxda ayaa la kulmi doonto saraakiisha ciidamada, maamulka gobolka, kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay kala hadli doonaan gulufka dagaalka Al-Shabaab
Ammaanka ayaa sidoo kale aad oo loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah oo isugu jiro Xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed la dhigay magaalada, si ay u sugaan amniga madaxda iyo wufuuda kala duwan ee ku sugan halkaasi.
Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Koonfur Galbeed ay ka taagan yihiin xaalado siyaasadeed oo ka dhashay muranka doorashooyinka guud ee maamulkaasi.
Xubnaha mucaaradka ee fadhigooda yahay Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay abaabulayay shirar ka dhan ah maamulka talada haya oo ay ku eedeeyeen inuu ka gaabiyay diyaar garowga doorashada iyo sidoo kale dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.