25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Dhawaqa qarax culus oo laga maqlay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Daqiiqado kaliya ay ka dhinneyd aadaanka salaada Maqrib xiliga Muqdisho ayaa mar qura waxaa goordhow la maqlay dhawaqa qarax xoogan oo aan si dhab ah loo ogeyn halka uu ka dhacay.

Qaraxa ayaa dhawaqiisa waxaa laga maqlay degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana xiligaasi adkaa in dhab ah laga helo qaraxa iyo waxa uu yahay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa markii qaraxa lala eeganayay waxay marayeen agagaarka Baar Jowhar oo ku yaala xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa goobjoogayaasha waxay ku sheegeen inuu yahay gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay oo lagu weeraray ciidamada halka dadka qaar ay sheegayaan iney u maleynayaa miino dhulka lagu aasay.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Onlne
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News