Kaliil oo beeniyey warkii Fartaag, ku dhowaaqay..

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo xil ka qaadis ay ku sameeyeen maamulka Jubbaland ayaa jawaab kulul siiyay madaxweyne ku xigeenka  maamulkaasi Fartaag.

Fartaag, ayaa maalmo ka hor shaaciyay in lasoo afjaray xiisadii dhanka siyaasada ee u dhaxeysay maamulka jubbaland iyo xubno siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda deegaanada gobolka Gedo kana dhashay xil ka qaadistii Kaliil.

Wuxuu si cad u sheegay Maxamed Cabdi Kaliil, in been cad uu sheegay Fartaag oo wali aan xal buuxa laga gaarin qilaafkii ka dhashay isaga iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda deeganada Gedo.

“Waa Been wax hishiis maanan gaarin, nin masuul ah oo been intaas la eg sheegaya waligey maanan arag, annaga wax hishiis ahna lama aanan galin, waxa la isku heystana waa xil ka qaadis qalad ah oo ay igu sameeyeen”ayuu yiri Kaliil.

Dhanka kale wuxuu si cad u dhaliilay dadaalada uu waddo wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya oo ku saleysan dhanka dib u hishiisiinta, isagoo sheegay inuusan aheyn masuul ka tirsan wasaarada arimaha gudaha ama uusan aheyn ugaaska Beelaha Gedo.

“Wasiir Diini ma ahan wasiirka arimaha gudaha, mana ahan ugaaska beesha Sade iyo beelaha kale, dib u hishiisiinna shaqo kuma lahan, sababtoo ah waa wasiirka gaashaandhiga dowlada Soomaaliya, marka side buu dib u hishiisiin u sameyn karaa”ayuu yiri Kaliil.

Hishiiskii masuuliyiinta Kenya iyo Jubbaland u galeen magaalada Addis ababa ayaa qodobkiisa 8 wuxuu dhigayay inaan xil laga qaadi Karin gudoomiyaha gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com