Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Gaalkacyo iyo GALMUDUG oo qabsatay dhammaan goobihii

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaara magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo saaka dagaal culus ku dhex maray ciidamo kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa sheegaya inay rasaastu istaagtay labada dhinac iminka balse qasaare xoog leh uu dagaalkaasi geystay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Galmudug ay la wareegeen saldhiga booliska iyo koontaroolkii dagaaladu ka dhaceen welina ay is fadhiyana ciidamada labada dhinac.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa la sheegay inay dib u gurteeen, balse waxa ay ku hanjabeen inay soo laaban doonaan.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa la sheegay in la qaadi waayay xaalada dagaal iyo ciidamada is hor fadhiya dartood, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in dhimashadu gaareyso 10 iyo dhaawac ka badan 50 kale.

Xaaladda ayaa aad u cakiran magaalada Gaalkacyo wuxuuna dagaalkani ka danbeeyay wado maamulka Puntland ay doonayeen inay mariyaan gudaha xadka magaalada kala qeybiya oo dhinaca kale ay ka hor yimaadeen.

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug, Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed), ayaa sheegay dagaalkaasi inay soo qaadeen ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland, isaga oo intaasi warkiisa ku daray inay hayaan labo askari oo dhaawac ah, kana tirsan Ciidanka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com