Shir qarsoodi ah oo u socda ABSAME iyo D&M.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan BFS ayaa sheegaya in kulan uu albaabada u xiran yahay uu ka socdo Hoteel Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ah mid u dhexeeya xildhibaanada Beesha Absame iyo kuwa Digil iyo Mirifle ee kawada tirsan BFS kaasi oo ay qabanqaabiyeen Xubno ka tirsan urur goboleedka IGAD iyo Dowlada Federaalka Somalia.

Ujeedka kulanka ayaa ah xal u helida Khilaafyo la sheegay inuu u dhexeeyo Xildhibaanada labadaasi beel oo ku saabsan awood qaybsiga maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan gobolka Bakool oo ay labada Beel wada dagaan.

Xildhibaanada kasoo kala jeeda labadaasi Beel ayaa u kala dabqaadaya Odayaasha labadaasi beel oo isku fahmi’la qaabka awood qeeybsiga Baarlamaanka Maamulka Koonfur galbeed ee Somalia.

Kulankan oo ah mid weli socda goob joogna ka yihiin xubno ka socda IGAD iyo DFS ayaa lagu wadaa in natiijo laga gaaro, inkastoo la soo warinaayo in Xildhibaanada labadaasi Beel ugu jira BFS ay isku fahmi la’yihiin qaabka awood qeybsiga.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonto shirkaasi oo wali ah mid socda, waxaana jiro warar sheegaya in Xildhibaanada Digil iyo Mirifle ay ka baxeen shirka, balse dib loogu soo celshay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com