Baaritaan: Dulmiga lagu hayo xujayda Somalia.!!

Horudhac

Waxaan maqaalkan ugu talo galay inaan kusoo gudbiyo cabasho sanadooyin badan soo jirtay taasoo ay sanad walba si joogta ah ula kulmaan kumanaanka kun oo Somaalida ah ee kasoo xajaysa waddanka Somalia. Maadaama aanay jirin maxakamad qaran ama xafiis ama wasaarad dawleed oo hufan oo loo gudbisto cabashadan ku saabsan dulmiga joogtada ah ee sanadba sanadka ka dambeeya sii baahaya, sidoo kale maadaama aanay jirin cid damiir leh oo u kacaysa wax ka qabashada arinta halista leh oo aan ka ahayn in Alle looga cawdo ayaan go’aansaday bal inaan umadda Somaaliyeed ee ayagu ka war la’ dulmigan aan debedda usoo dhigo si ugu yaraan ay ugu duceeyaan umadda inuu Rabi uga hiiliyo kuwa dhiigooda iyo hantidooda sanad walba magac diineed ku cunaya.

Dowlad la’aanta ka jirta Somalia siyaabo badan bay dadka Somaaliyeed u saamaysay. Dulmiga ka jirta dalka iyo dhiig miirashaduna kuma koobna oo qudha kuwa qoryaha haysta ee dadka dhaca ama kuwa hantida umadda xoog ku haysta. Hase ahaatee waxaa soo baxay budhcad diineed huwan magaca diinta ah oo ayagu aanay ka xishoon inay umadda masaakiinta ee martida u ah Alle wayne ay dhibaato kasta u horseedaan.

Waa laga yaabaa akhristow inaad is waydiiso maxaa xiligan kusoo beegey maqaalkan inaan kusoo bandhigo maadaama ay ugu yaraan laba bilood kasoo wareegatay intii laga soo noqdey xajka, runtii waxaan aad uga fekerey wax badan qoraalka maqaalkan anigoo dad badan kala tashaday. Waxaana ugu dambayn ii soo baxday inaan debedda usoo saaro taasoo ah waxa qudha ee aan ugu hiilin karo muslimiinta sanad walba lagu dhibo safarkooda ay ku ajiibayaan yeedhmadii Nebi Ibrahim CS.

Maqaalkani waxaan kaga hadli doonaa 12 qodob aan kusoo koobayo dhibaatada ay la kulmaan xujayda laga soo bilaabo markay aqaladooda ka baxayaan ilaa markay kusoo noqonayaan, anoo isku dayaya inaan taabto dhibaato kasta oo loo gaysto xujayda sida soo socota:

Xayeysiiyo iyo balan qaadyo been ah xiliga qabashada waraaqaha

Sharikadaha duulimaadyada ee DAALO iyo Jubba oo ayagu ku mideysan hawsha xajka madaxdooduna uu ka guuray u damqashada martida Eebe iyo ka xishoodka Alle ayaa waxay heshiisyo qarsoodi ah (Deal) kula jiraan mukhalasiin u jooga safaaradaha laga soo qaado rukhsadaha loogu safro xajka (Visa) iyo waliba dalka Sacuudiga laf ahaantiisa. Dabcan fiisayaasha waxaa lagu soo saaraa si lacag la’aan ah maadaama camal cibaado ah loo socdo, dowladda Sacuudigana dadka lacag kama qaado, hase ahaatee sharikadahani waxay dadku saaraan lacago xad dhaaf ah oo si qarsoodi ah loo kala qaybsado.

Magaalooyinka Somaalida waxaa caan ka ah in idaacadaha maxaliga ah laga sii daayo xayeysiiyo iyo iidhehyo been ah oo dadka lagu marin habaabinayo ayadoo la leeyahay xujayda waxaa la dejinayaa guryo xaramka u dhaw, gaadiid baa la siinayaa iyo adeegyo fiican baa loo hayaa. Beenta intaa le’eg waxaa loola jeedaa in lagu soo jiito dad badan. Waxay iska wacnaan lahayd in marin habawgaa ay dadka kaa daayaan kol haddii umaddu ay ku khasban tahay inay dayaaradohooda uun raacaan maadaama aanay jirin meel kale oo la ciirsado iyo wasaarad ama dowlad loo cawdo. Xayaysiiska beenta ah wuxuu Somalia ka noqdey dhaqan. Waxaana la yaab badan inay hor kacayaan rag wadaado sheegta oo masaajidada umadda wax uga sheega kana xadiisa. Wadaadadu ma waxay ilaaween beenta ay idaacadaha geliyeen ee ay umadda ku marin habaabinayaan in loo qabsan doono maalinta qiyaame mise ayaga waa laga cafiyey waa yaabe? Qaybta dambe ayaan kaga hadli doonaa guryaha xujayda la dejiyo iyo caynka ay u eg yihiin, waxaanse doonayaa inaan sheego in qabashada waraaqaha xajka ay hor boodayaan oo ay wakiilo (agents) ka yihiin wadaado ayaga haysta ballan qaad ah in dad ehelkooda ah lacag la’aan loogu qaado xajka ama ay helaan saami (percentage) kamid ah inta ay usoo xareeyaan sharikadaha oo dakhli ah. Kol haddii ay ayagu hor boodayaal ka yihiin waxay qayb weyn kaga jiraan dulmiga masaakiinta loo geysanayo ayagoon meelna kaga bixi Karin.

Arrinta kale ee dulmiga ku dhisan ayaa ah kharashaadka laga qaado qofka xajka u socda. Somalia marka loo eego wadamo badan oo jaar la ah sida Ethiopia, Kenya, Djibouti iyo wadamo kaleba waxaa la odhan karaa aad bay ugu dhawdahay dhul ahaan dalka Sacuudiga. Hadana kharashaaka laga qaado xujayda Somalida waxay laba jeer ka badan yihiin kan wadamada ay dowladuhu ka jiraan shacabkoodu ay ku yimaadaan xajka sida wadamada aan kor kusoo xusay ee Somalia jaarka la ah. Tusaale ahaan Somaalida waxaa sanadkii u dambeeyay laga qaaday lacag dhan $4000 (Afar kun oo doolar) oo ahayd tii ugu qaalisanayd abid ee la bixiyo. Lacagahaasi waxaa intaa loo gadhsiiyey kadib markii dowladda Sacuudigu ay soo saartay amar ay ku yaraynayso tirada xujayda waddan kasta ka imanaysa dhismaha kasocda xaramka dartii. Sharikadaha duulimaadka ayagoo maslaxadooda gaarka ah eegaya ayaa waxay ka fekereen inay kordhiyaan kharashka laga qaadayo xaajiga si faa’iidadoodu marna aanay hoos ugu dhicin haddii tirada guud ee xujayda la yareeyo iyo haddii kaleba. Waxaa la yaab leh in aanay ka fekerin muddada ay ku qaadato dadka masaakiinta ah ee muruq maalka ah ama kuwa xoolaha ku haysta miyiga ama kuwa beeralayda inay lacagta intaa le’eg ururiyaan. Ku darsoo, lacagtani kuma jirto masaariifta qofka ee ah cuntada, dawada iyo waliba kharashaadka kaga baxa dhinaca socdaalka taasoo ugu yaraan gaadhaysa kun doolar ($1000).

Si kastoo ay ahaataba, maadaama aanay jirin wado kale oo loo weecdo, umaddu waxay ku khasban tahay inay waraaqahooda iyo lacagahooduba ku aaminaan mukhalasiinta wadaada ah ee ayagu wakiilada u ah sharikadaha faa’iido doonka ah. Ma jirto culays mas’uuliyadeed oo lasaaro soo saarintaanka fiisayaasha waxaanay kusoo baxaan qaab bakhtiyaa nasiib ah. Tusaale ahaan waxaa dhacda in nin iyo xaaskii inta laga qaado lacagaha iyo waraaqaha uu ninka ama gabadha midkood uun helo fiisaha ayadoo aanay jirin wax daba gal ah ama hab maamuleed oo arinkaa safaarada loogu sheegayo in nin iyo xaaskii ama wiil iyo hooyadii aanay u kala hadhi Karin. Waa dhab in safaarada Sacuudigu ay kusoo dhacayaan kumanaan araaji ah oo laga yaabo inay il duufaan mararka qaarkood, hase ahaatee ma jirto cid mas’uuliyad qaada oo arinkaa ku samaysa daba gal, waxaanay arintu kusoo koobantaa: “hebel way usoo baxday, hebelna uma soo bixin”.

Duulimaadyada khataraha badan

Marka laga reebo magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa, magaalooyinka kale ee Somaaliya ma leh madaaro ay toos usoo fadhiisan karaan dayuuradaha waaweyn ee loo yaqaano jet ka ee ayagu xujayda u daabula Sacuudiga. Sidaa darteed ayaa xujayda lagu soo ururiyaa dayuurado yar yar oo ay leeyihiin sharikadahan dayuuradaha. Agaasinka duulimaadyada ayaa ah mid aad iyo aad u liita oo aan haba yaraatee wax cilmi ah lagu salayn. Tusaale ahaan ma ogaan kartid maalinta aad safrayso, waxaana laga yaabaa in si deg deg ah lagugu sheego inaad beritole tegeyso. Wakiilada sharikaduhu waxaanay xisaabta ku darsan dadka tegaya xajka inay ehelo, shaqooyin iyo hanti ay ka tegayaan, isla markaana ay u socdaan safar in laga soo noqon doono iyo in kale uu Alle uun ka war qabo sidaa darteed ay u baahan yihiin waqti ay ku dar daarmaan. Ma jirto wax diyaar garow ah ama waqtiyo hore oo dadka loo sii sheego.

Duulimaadyada dadka kasoo qaada magaalooyinka Burco, Garoowe, Caabudwaaq iyo magaalooyinka kale ee keena magaalada Hargaysa ayaa ah kuwa aadan marna naftaadu ku aamin Karin. Waa marka horee, waa dayuurado kharaab ah oo aan haba yaraatee nidaamka socdaalka hawada ee caalamiga ah aan marna waafaqsanayn. Waa marka labaade, waxaa wada duuliyayaal ayagu aanay kaba war hayn xaalada dadka saran dayuuradda. Waa marka sadexaade, maleh adeegyada qofku uu u baahan yahay ee asaasiga ah sida biyaha, cunada iyo suuliyada. Waa marka afraade, qadhmuunka iyo nadaafad xumada ka jirta dayuuradahani qofka bani’aadamka ahi waxa uu ka qaadaa cuduro halis ah.

Dayaaradahani ayay ku duulaan joog hoose oo aan isku dheeli tirnayn. Xawaaraha aan fadhiyin ee ay dayaaradu ku socoto iyo joogeeda oo aan dheelitirnayn ayaa sababa inay dadku isku wada matagaan. Akhristow waxaad la socotaa in tiro badan oo kamid ah xujayda ay kayimaadeen miyiga maadaama ay Somaalidu reer miyi u badan tahay sidaa darteedna dayaarad iskaba daayee gaadhi xitaa aan qaarkood xiliyo badan raacin. Dadka sidaa iskugu matagaya ma haystaan baco ama wax uun ay wasakhda iskaga asturaan, waxaana Hargaysa la geeyaa ayagoo wada wasakhaysan oo soo wada xanuunsaday.

Lug gooyada Madaarada Hargaysa iyo Muqdisho

Dadka ka yimi gobolada ee dayaaradda ka raacaya madaarka wayn ee Muqdisho iyo kuwa lagu keenay dayuuradaha yar yar ee kharaabka ah si ay dayuuradooda wayn uga raacan Hargaysa ayaa lagu lug gooyaa madaarada. Ma jiro wax agaasin iyo maamul isku dubaridan. Sidoo kale shaqaalaha sharikadahan ee jooga madaarada Muqdisho iyo Hargaysa ayaan haba yaraatee bixin Karin wax xog rasmi ah oo ku saabsan xiliga ay dayaaradu tegeyso iyo xiliga ay soo fadhiisanayso. Xujaydu waxay ku qaadataa ilaa sideed (8) saacadood inay madaarka Hargaysa ama Muqdisho ku sugnaadaan si ay u sugaan dayaaraddii qaadi lahayd. Waqtiga intaa le’eg ee ay xujaydu joogto madaarada lama geeyo meel lagu nasto ama lagu qaxweeyo, lamana siiyo cunto. Qaarkood waxay ku caajisaan kuraasta aan raaxada lahayn ee madaarka ayagoo halkaa hurdo xumo ku qabsata, qaarna dhulka ayay iskaba seexdaan. Waxaa la yaab leh waxa kalifi kara in dadka saacadaha intaa le’eg loogu hayo meel aan hoygooda ahayn halkii ay u socdeena aanu ahayn. Taa waxaan filayaa laba arin mid kamid ah inay tahay: waa marka hore waxay noqon kartaa in hal dhagax toban shimbir lagu dilayo sidaa darteed dayuuradaha kharaabka ay xujaydu kasoo qaadeen magaalooyinkoodu ay meelo kale duulimaadyo ku tegayaan sidaa darteedna aanu jirin wax maamul isku dubaridan oo waxaasi kala hagi kara, waxa ugu fudud ee ay sharikaduhu samayn karaana ay tahay kasoo qaad xujayda aqalooda oo ku daadi madaarada halkaa haku lug go’aan ilaa inta ay ka helayaan wax qaada. Waa marka labaade, waxaa dhici karta dayuurada wayn ee ay xujayda u qaadi lahayd Jiddah inay dhawr duulimaad oo Somalia iyo Djibouti dhexdooda ku kala bixiso oo xujaydana ay halkaa sugayaan. Si kastoo ay ahaataba, waa maamul xumo, agaasin la’aan iyo mas’uuliyad daro ay iskugu biireen sharikado 20 sanadood duulimaad ka shaqaynayay. Waxaa nasiib daro ah in labaatankaa sanadood aanay wax khibrad ah u kordhin maamulka iyo shaqaalaha sharikadahaa isla markaana ay ku sifoobeen maamul xumada iyo kala dambayn la’aanta lagu xanto Somaalida halka ay ayagu is bedel keeni lahaayeen maadaama ay yihiin kuwa haya irida ay Somalia debedda uga baxayso.

Daalka iyo diifta Madaarka Jiddah

Xujayda ayagoo aan waxba ku noolayn oo aad iyo aad u daalan baa la keenaa madaarka Boqor Cabdicasiis ee Magaalada Jiddah. Waxay si toos ah u maraan laanta socdaalka si loo hubiyo basaboodhada ay wataan iyo dal ku galkooda loona ansixiyo inay dalka soo galaan. Intaa kadib, xujayda ka timid wadamada kale waxaa maamulkooda la wareega wakiilo ayaga ku sugaya madaarka oo dhinaca magaalada Makka u gelbiya. Somaalidu waxay ugu yaraan afar (4) ama shan (5) saacadood oo kale dhex fadhiyaan madaarka Jiddah ayagoo sugaya cid ka socota Jubba ama DAALO oo la hadasha una agaasinta basaskii qaadi lahaa. Sugitaan dheer iyo lug gooyo ka daran tii hore kadib ayaa waxaa yimaada niman isku sheegaya inay wakiilo u yihiin sharikadaha. Nimankani in kastoo ay dhawr sanadood joogeen halkaa oo ay ka shaqaynayeen weli ma baran anshaxa wanaagsan, dad la dhaqanka iyo soo dhaweynta. Waxayna isticmaalaan amaro adag oo is wada khilaafsan ayagoo xujayda kolba dhan u jeediya oo marba wax is khilaafsan u sheega. Tani waa qayb kamid ah aqoon la’aanta dhinaca maamulka iyo agaasinka iyo weliba mas’uuliyad darro ay sharikaduhu ku caan baxeen.

Isku soo wada duuduuboo waxay qaadataa ilaa sideed (8) saacadood in laga baxo madaarka Makka oo la raaco basaska xujayda u daabula magaalada Makka halkaas oo ay xujaydu ku sugnaadaan intay ka dhamaanayaan acmaasha xajka.

Guryo wada xabsi ah

Xujayadu markay yimaadaan magaalada Makka waxaa loo kala qeybiyaa guryo cimaarado ah oo loo diyaariyay. Si ka duwan umadaha kale ee ayaga la dejiyo hodheelo waawayn oo adeeg dhamaystiran leh una dhaw xaramka ayaa Somaalida waxaa la dejiyaa guryo aad uga fog xaramka oo qiyaastii kugu qaadata 20 daqiiqo ilaa 30 daqiiqo inaad tagsi ku gaadho. Xujayda ayaa waxaa loo dejiyaa sida maxaabiista oo kale ayadoo aan loo kala eegin cudurada ay qabaan, da’dooda, duruufaha iyo baahiyaha gaarka ah ee ay la kala nool yihiin.

Halkii qol waxaa si cidhiidhi ah loo dejiyaa tiro u dhaxaysa sideed (8) ilaa toban (10) qof oo aan wada socon, xaaladahooda caafimaadkuna ay kala duwan yihiin. Akhristow waxaad ogaataa in qolka intaasoo qof ay degayaan uu yahay mid ugu badnaan loogu tala galay laba (2) qof inay seexdaan. Qolalkani kama heleysid meel aad dhan uga baxdo ama aad ku nafisto waana qol xabsi ah oo dadka la is dul saaro. Qolku ma leh nadaafad iyo cid gacanta ku haysa faya dhawrkiisa. Waxaa ku xidhan hal qaboojiyo (Air conditioner = Mukayf). Dadka la wada dejiyay qolka waa kuwo isku wada dhiban oo aan wada deganaan Karin. Waxaa ku jira oday miyi ka yimi oo aan weligii qaboojiye arag kuna xanuunsada, waxaa ku jira nin dhalinyaro ah oo aan kulaylka u adkaysan Karin. Waxaa saacad walba qolalka ka jira buuq xujayda dhexdooda ah oo la isku haysto bakhtiinta qaboojiyaha iyo laydhka. Ma jirto qof ka hagaajiya sariiraha yar yay iyo gogosha saaran, mana jiro qof gudaafadda qolka dhex daadsan qof ka gura. Waxaana hubaal ah ilaa inta ay xujaydu ka dhamaysanayo acmaashoodu inay noloshaa silica ah ku dhex jirayaan.

Waxaa intaa kasii daran adeegga suuliyada. Guryahani jeelasha ah ee xujayda lagu ciqaabo waxay wadaagaan hal ama laba suuli oo ay ka dhaxeeyaan ugu yaraan 30 qof. Bal tiradaa intaa le’eg oo oday leh, dhalinyaro leh, bukaan leh siday u kala heli karaan suuliyada. Waxaa dhacda in maantoo dhan saf dheer loogu jiro suuliyada oo aan lakala sugi Karin. Waxaa kasii daran nadaafad xumada ka jirta suuliyada iyo sida aan wasakhda looga nadiifin.

Waxaan odhan karaa waa meel ka liidata xabsi waayo xabsiyadaba waa la hagaajiyaa oo nadaafadooda gacanta ayaa lagu hayaa siday ila tahay. Waxay xujaydu halis ugu jiraan inay kala qaadaan cuduro ama xanuuno cusubi inay meesha ka dilaacaan. Xujayda masaakiinta ah waxay markaa ogaadaan in xayaysiiskii iyo iidhehdii laga sii dayn jiray telifishanada iy idaacadahuba inay ahaayen kuwa been ah.

Basas gaboobey oo wada kulul

Umadaha kale oo qaarkood ay ka liitaan Somaalida ayaa leh basas waawayn oo kuwada xidhan qaboojiyayaal oo qaab wanaagsan loo maareeyo qof walbana lagu qaado. Somaalida oo malaha lacag ka badan kuwa quruumahaa ku bixiyey inay xajka yimaadaan ayaa loo kireeyaa basas yar yar oo in yar uun ka wayn nooca loo yaqaano kastarka (coaster). Basaskan ayaa ah kuwa gaboobay oo aan qaarkood lahayn qaboojiye. Tirada basaskan ayaan ka badanayn qiyaastayda shan ama lix bas, waanad garan kartaa akhristow tirada intaa le’eg oo xujay ah iyo basaska tirada yar oo loo qoondeeyay. Waxaa kasii daran basaska sida la iskugu dilo ama la iskugu dhex caayo marka la raacayo oo xaramka loo socdo ama laga imanayo taasoo ay mas’uuliyadeedu leeyihiin sharikadaha maadaama basaska iyo dadku aanay isku dheela tirnayn. Waxaa dhacda in xujay badan oo xaramka kasoo baxday ay tuban yihiin meel bacad ah oo ay sugayaan bas basaskiina ay iman waayaan ama intay laba bas keliya ay yimaadaan ay inta ay qaadi karaan qaadaan kadibna ay dib usoo noqon waayaan. Waxaa dhacda in bas uu meesha joogo oo la yidhaahdo baskani waa bilaa shidaal ayadoo ay tahay wax lagu qoslo in shidaalka qiimihiisu uu ka jaban yahay qiimaha biyaha hadana la yidhaahdo baska shidaalkii buu goostey taasoo malaha la doonayo in xujayda lacag kale looga qaato.

Si kastaba ha ahaatee xujay badan ayaa go’aansada inay u kala lugeeyaan xaramka iyo guryaha jeelasha ah ee la dejiyey oo ah kuwa ugu fog ee xujay la dejiyo waxayna u babac dhigaan kulaylka xad dhaafka ah iyo masaafada dheer ee lugta ah oo buuraha lagu dul socdo. Qaarna waxay u babac dhigaan inay raacaan tagaasida qaaliga ah ee ka macaasha joogitaanka xujayda.

Weligay maan maqal culimada oo arinkani ka hadlaysa, taa bedelkeeda waxay culimadu dadka u sheegaan in aanay muhim ahayn in xaramka lagu soo tukado oo salaadda masaajidada kale ee Makkah ku yaala ay la ajar tahay tan xaramka, taasoo ah arin aan daliil cad loo hayn dadkana lagu yaraynayo hankooda ay u hayaan kacbada inay Rabi ku caabudaan mashaacirta masjidul xaramkana ku il qabawsadaan.

Dhibaatada basasku kuma koobna oo qudha isku socodka guryaha jeelasha ah iyo xaramka oo qudha. Waxaa iyadana dhibaato iyo maamul xumo xooggani ay ka jirtaa u baqoolidda dhinaca Mina iyo Musdalifa oo lagu maqnaado dhawr cisho si loo soo guto acmaasha dhabta ah ee xajka. Lacagaha laga qaaday xujayda markii ay joogeen dalka ayaa loo sheegey inay tahay lacag isku wada dhamaystiran (inclusive) oo dhamaan adeegyada basaska, guryaha iyo cuntada daboosha. Waxaa nasiib darro ah in xujayda ay islaamaha culus la socdaan iyo dadka waayeelka ah halkii loo samayn lahaa adeeg u gaar ah loo sheego inay lacago dheeraad ah oo gaadhaysa $80 (Sideetan doolar) la baxaan qofkiiba oo loogu kireeyo bas kale oo dheeraad ah. Tolow basaskii loo sheegey markii hore inay diyaar u yihiin maxaa ku dhacay? Tolow ma hal bas baa $400 (Afar boqol oo doolar) lagu kireeyaa hal maalin ilayn basku konton qof buu qaadayaa halkii qofna waxaa laga qaadayaa sideetan doolar. Waa arin kale oo ayadana laga dhex bilaabo meesha oo lagu furanayo xujayda liita oo aan is difaaci Karin waana arin aan xishood iyo Alle ka cabsi iyo damiir midna lahayn.

Xujayda kale ee caadiga ah ayaa ayaga inta loo sheego in ay basas diyaar u yihiin baa hadana qaarkood looga baxaa qaarna lagu qaadaa. Kuwa ballanta looga baxay ayaa ugu dambayn iskood basas u kireysta dhinaca Mina taasoo ah lacag kaloo dheeraad ah oo ay bixiyaan. Waxaa meesha gebi ahaanba ka baxday ballantii ay mukhalasiintii dadka waraaqaha iyo lacagaha kaga soo ururisey Somaalia oo u sheegi jirey in wax walba loo qabo ayagana la wado oo mas’uul laga yahay.

Khaymado wada xabsi ah & Cidhiidhiga suuliyada

Magaalada Mina waa magaalo wada khaymado ah waxaana la deganaadaa shan ilaa lix cisho oo ay ku jirto maalinta carafo. Quruumaha kale waxaa loo diyaariyay khaymado balaadhan oo qaadi kara dadka loogu tala galay. Somaalida waa dadka ugu liita. Qofka ugu nasiibka badan waxa uu helaa meel nus mitir ah ama wax ka yar oo uu salka dhigo. Teendho loogu tala galay 200 (laba boqol) oo qof ayaa la dejiyaa 700 (todoba boqol) oo qof ilaa kun qof ayadoo aan loo kala eegin da’, xaalad caafimaad iyo qofku inuu yahay qof liita iyo in kale. Khaymadaha ayaan ka jirin haba yaraatee wax maamul ah ama kala hagid ah oo ka jira waana qof walbow meeshaad madaxa la hesho isku tuur. In kastoo cibaado lagu jiro oo acmaal xaj lagudanayo hadana xujayda qaar baa si joogta ah iskugu dhaca oo is dagaala ama is caaya ayagoo boos isku haysta taasoo ay mas’uuliyadeedu leeyihiin maamulka sharikadaha iyo mukhalasiintooda wadaadada ah ee dadka soo qaaday. Laba sanadood ka hor khaymaduhu ma lahayn gogol lagu seexdo, xujaydu waxay feedhaha dhigan jireen dhulka ayagoo sajaayad yar ama firaash yar iska xigsiinaya. Labadii sanadood ee u dambaysay ayaa waxaa la dhigey gogol yar oo balaceedu yahay hal dhudhun taasoo qofku aanu isku rogi Karin. Cidhiidhigu ha iskaba joogee haddii boos uun la heli lahaa waxba may ahaateen waayo waxaa jira boqolaal ruux oo maalintii oo dhan bacadka meereysta habeenkiina shaaracyada karaatiin dhigta oo seexda kadib markay waayaan meel ay khaymadaha ka seexdaan.

Dhibaatada ugu waye ee ka jirta khaymadaha ayaa ah suuliyada. Maadaama ay khaymaduhu ka liitaan xitaa jeelasha waxaa loo qoondeeyey wax aan ku qiyaasay 15 (shan iyo toban) suuli inay isticmaalaan dad gaadhaya 3000 (saddex kun) oo qof. Taasi waxay ka dhigan tahay in hal suuli ay wadaagaan 600 (lix boqol) oo qof. Ma jirto fursad aad u hesho inaad suuli ku gasho ayadoo qiyuugu ama safku dheer yahay 24 kii saacadoodba oo mar walba la is daba taagan tahay. Xujayda qaar ah ayaa aad u liita ama sonkor qaba oo aan xijin Karin kaadida, qaar baa isku kaaja, qaar baa intay xijisan Kar waayaan la fadhiista kaadidaa surinada u dhaxeeya khaymadaha oo ay dadku markaan halkaas oo najaastii ay soo geleyso gudaha.

Dhibaatada intaa le’eg ee ka jirta nolosha khaymadaha ayaa xujayda qaar ku keenta cadho iyo inay u adkaysan waayaan duruufahaa adag ee aan waxba laga qabanayn. Sharikaduhu xil iskama saaraan oo ay xataa ku ogaadaan xaaladaha ay xujaydu ku nool yihiin mana jiro wax damqasho ah oo ay marna leeyihiin.

Af duubka cuntada loo qorsheeyey xujayda

Waxaa jira cuntooyin loogu tala galay in loo qaybiyo xujayda oo ay niman mutadawiciin ah keenaan khaymadaha ku yaala Mina. Waxaan la yaabay oo aan dhabanada gacanta la saaray markaan arkay wadaadada saacad kasta dadka u xadiisa oo khaymad walba qaybta hore ka xidhey oo la baxay VIP part (Qaybta dadka gaarka ah) ayagoo iska dhex soocay xujayda kale oo halkaa ku cuna cuntooyin kala nooc nooc ah.

Wadaadadu wax kastoo wanaagsan oo cunto ah, biyo qabow iyo khudrad ee loo keeno xujyada ku dhaw kunka qof ee ku dhex jira khaymadda ayagaa af duubta oo halkaa la fadhiista, waxayna soo fasaxaan waxay ayagu hambeeyaan ama wixii ay dhamayn kari waayaan. Waxaa jira xujay qatanaa dhawr cisho oo aan meelna aqoon, oo haddii ay debedda u baxaan ambada ama luma oo aan lacag haysan oo beerka dhulka ku haya. Xujaydaasi waxaa cuntadii iyo biyihii iyo sharaabkii loogu deeqey dhexda u fadhiista wadaada saacad kasta dadka u xadiisaya oo leh xajka hala ilaashado.

Arrimaha aan la yaabay waxaa kamid ahaa markii xaaji kamid ah xujayda gaajooday isla markaana kulaylka jira awgii oo haraad u adkaysan waayay. Wuxuu xaaji dhalin yaro ah ka codsaday inuu biyo qabow u doono. Xaajigii dhalinyarada ahaa ayaa damcay inuu talaagad yar oo ay ka buuxeen biyo qabow oo wada baraf ah oo safnaa qaybta hore ee khaymadda ee ay wadaadadu fadhiyaan uga soo saaro caagad biyo ah. Waxaa gacanta ku dhegey nin wadaad ah oo yidhi biyahan aad la baxayso rag baa gashaday meesha ee dhig, hadaad biyo doonayso debedda u doono. Ninka sidaa u hadlayay waa xaaji, waa wadaad waa nin dadka wax u sheega oo leh xajka hala ilaashado.

Marin habaabinta xujayda, iidhehaha beenta ah, lug gooyada iyo iska indha saabidda dulmiga lagu hayo xujayda waxay wadaadadu ku darsadeen inay ayagu cuna qabateeyaan xujayda kale ee daciifka ah ee u baahnaa gar gaarkooda. Tolow shareecada ay dadku u sheegayaan maxay ugu dhaqmi waayeen ayaga?

Kala soocidda xujayda maalinta Carafo

Arimaha la yaabka leh ee ay ku kacaan sharikadaha dayuuraduhu waxaa kamid ah kala soocidda xujayda maalinta carafa. Carafa waa maalin wayn oo aad u barakaysan oo uu Rabi malaa’ikta ugu faano addoomadiisa meel kasta iskaga kala yimi ayagoo dhar isku eg wata oo kalmado isku mid ahna ku dhawaaqaya. Carafa ma aha meel dadka lagu kala sooco oo madax iyo shacab loo kala saaro. Haddii ay ahaan lahayd dadku inay ku kala soocmaan madaxda ayaa la odhan lahaa dharka cadaanka ah ha iska daayaan oo mid u gaar ah hasoo xidhaan, laakin waxaa la faray si lamid ah sida dadka kan ugu liita inay labada go’ soo qaataan.

Kasma darrada sharikadaha ayaa keentay inay khaymado gaar ah u dhisaan niman madax isku sheegaya oo dalka kasoo xajay kuwaasoo meelo gaar ah loo xidho oo biyo qabow iyo sharaab loogu geeyo halkaasna ay maalintaa wanaageeda isku dhaafiyaan xan, fadhi ku dirir iyo qudhunka qabyaalada iyo siyaasadda dhicisowdey shacabkana jaha wareerisey. Nimankaa madaxda ah markoodii horeba may ahayn kuwa qaab xalaal ah ku yimi xajka waa kuwa xoolo umadda laga dhacay ama laga musuq maasuqey ku yimi xajka. Haddana waxay intaa ku darsadeen halkii ay shacabka u tudhi lahaayeen inay edeb darradii ay dalka ku hayaan ay la yimaadaan banaanka wayn ee Carafa.

Sharikaduhu dabcan heshiis qarsoodi ah oo laaluush bixin iyo kala qaybsashada xaqa laga dhacay umadda ayay kula jiraan waxay u qabteen shaqaale u gaar ah khaymadaasi oo irida hore la taagan “ I tus kaadhkaaga VIP-da aad wadato haddii kale meelahaa kale ku dhac”. Tolow kala soocista xujayda lagu kala soocayo Carafo ma waxay moodeen faan mise jahliga, aqoon xumada, maamul xumada, khibrad la’aanta iyo dhaca hantida masaakiinta ayaa halkaa ka gashay oo ay la gaashaanbuureysteen madaxda booli qaran kusoo xajidey.

Waxaa hubaal ah nimanka jooga xajka ee madaxda isku sheegaya inay hurdo iyo ka sheekeyn mooshin la keeney ama mid soo socda inay ku dhaafto fursadda qaaliga ah ee maalintaasi barakaysan.

Agaasinka qalafsan ee duulimaadyada dayaaradda

Wax badan ayaan kor kaga soo waramay sida aanay sharikadaha labada ah ee is xulafaystay aanay waxba uga baran 20 sanadood oo ay duulimaadyo ka shaqaynayeen iyo agaasin xumada iyo kasmo la’aanta ay sida indho la’aanta ah ay ku wadaan hawlo aanay aqoon iyo khibrad u lahayn. Waxaan doonayaa inaan halkani ka taabto dhibaatada xujayda qabsata markay kusoo noqonayaan guryahooda oo ay soo gutaan waajibaadka xajka dhibaato kasta ay kala soo kulmaanba.

Sidaan kor kusoo sheegey, duulimaadyada ayaan lahayn jiho iyo jadwal la raaco toona waana wax kusoo booda ah oo qofka saacado gudahood loogu sheegayo inuu galabta baxayo tiiyoo aanu qofku u diyaar garoobin, waana meeshay kugu qabsataba u diyaar garow mar kasta. Waxaa dhacda qof muddo joogay oo xaq u lahaa in lagu qoro duulimaadyada hore dib loo dhigo oo kuwa dambe lagu qoro, halka mid laba todobaad ama wax ka yar joogayna lagu qoro duulimaadyada hore.

Xujayda inay kasoo baxaan Makka oo ay aqaladoodu yimaadaan waxay ku qaadataa 48 saacadood ama laba cisho, waxaanay yimaadaan guryahooda ayagoo liita oo diif iyo dhibaato ay ka muuqato oo aan waxba ku noolayn. Ogow safarka Sacuudiga iyo Somalia waa 180 daqiiqadoo ama saddex saacadood oo qudha ugu badnaan. Waxayse Somalida uga dhigan tahay inay afar jeer ama wax ka badan u kala socdaaleen Somalia iyo Amsterdam ama Somalia iyo London marka loo eego waqtiga badan ee ay safarka ku jiraan. Haddaba waa maxay dhibaatada ay la kulmaan xujayda Somaalida ah marka soo noqonayaan? Akhristow eeg qodobada hoose oo aan kusoo koobayo saacadahaa meeshay kaga lumayaan xujayda iyo maamul xumada safarkooda:

  • Xujayda waxaa lagu guraa basaska markay saacaddu tahay afarta galabnimo (04:00 PM) ee maalinta loo sheego inay safrayaan. Sidaa awgeed maalintii oo dhan waxay iskaga jiraan diyaar garow iyo xidh xidhasho. Markay soo fuulaan basaska kadib waxaa baska dushiisa lagu haynayaa Shan saacadood ayadoo aan loo tudhayn qofka suuli u baahan, kan gaajoonaya iyo kan aan fadhigaa badan u adkaysan Karin. Lama yaqaano waqtiga intaa le eg waxa la qabanayo iyo waxa loogu hayo xujayda basaskaa dushooda. Baska waxa uu dhaqaaqaa saacaddu markay tahay sagaalka fiidnimo (09:00PM).
  • Akhristow basaska waxaa wada darawalo aan aqoon jidadka oo heshiis jaban loogaga soo kireystey Masar, lamana socdo qof wakiil ka ah sharikadda oo kala yaqaana jidadka. Sidaa darteed basku waxa uu ilaa saddex saacadood ku war wareegayaa dariiqyada Makka asagoo doon-doonaya halkii uu Makka uga bixi lahaa oo uu dhinaca Jiddah u qaban lahaa. Waxaana dhacda in markay ahay saqda dhexe (12:00 AM) uu basku wadada qabsado. Basku marka uu gaadho magaalada Jiddah waduhu ma yaqaano dariiqa madaarka ay ka dhoofaan xujayda. Sidaa darteed waxaa dhacda in saddex saacadood oo kale uu Jiddah kula meereysto xujayda asagoo kolba shaarac isku qaadaya. Ugu dambayn basku wuxuu gaadhaa madaarkaa markay saacaddu tahay saddexda subaxnimo (03:00 AM).
  • Xujaydu waxay todoba saacadood dhex joogayaa madaarka ayagoo aan haysan meel ay seexdaan ama salka dhigaan. Waxay miciin bidaan kuraas caag ah oo aan nafta u roonayn bal inay nafta ugu raaxeeyaan dhawr saacadood oo kooban. Markay saacaddu tahay tobanka subaxnimo (10:00 AM) ayaa xujayda looga yeedhaa dhinaca kowntarada sharikadaha si looga xareeyo shandaha loona siiyo kaadhka ay dayaaradda ku fuuli lahaayeen (Boarding pass). Akhristow waxaad ogaataa in xujayda aan loo ogolayn inay biyaha barakaysan ee Zamzamka ay kala yimaadaan Makka ayagoo iskood uga soo dhaansan kara xaramka soona qaadan kara. Taa bedelkeedana waxaa loo sheegaa inay ka iibsadaan madaarka Jiddah. Sidaa darteed waxay kaga baxdaa xaajigiiba lacag dhan 17 Riyaalka sacuudiga ah oo u dhiganta Shan doolar inay caagad Shan litter ah oo biyo Zamzam ah iibsadaan. Looma ogola wax ka badan shantaa litter qofka inuu qaato xitaa haduu yahay qof miisaankiisa la baxaya.
  • Xujaydu waxay laba saacadood ku jiraan safaf aan habaysnayn ayagoo hor tuban kowntarada. Ma jirto cid kala habaysa ama laynka u saxda, cid wax u sheegta oo caawisa iyo cid hagta toona. Xaaji walba asaga oo la kaca kufaya waxa uu wata iyo cidda asagu wado ayuu dhaafaa kowntarka. Waxay xujaydu ka dhamaadaan kowntarka maalin badhkii (12:00 PM) waxayna u dhaqaaqaan dhinaca laanta socdaalka halkaas oo ay u maraan si hufan oo aan war wareeg lahayn.
  • Akhristow waxaa la yaab leh in shaqaalaha ajnebiga ah ee jooga kowntarada ay xujayda waydiistaan lacago laaluush ah (bakhshiish) oo ay kaga dalbanayaan shandaha loogu xidhey warqadda tag number ka loo yaqaano ee lagu baafiyo shandadda iyo kaadhka dayaarada lagu fuulo. Runtii waa ducufnimada sharikadaha Somalida inay arinkaa oo kale ka taxadiri waayaan in xujay marti u ahayd Alle laga qaato laaluush loogu bedelayo adeeg ay xaq u lahaayeen.
  • Akhristow xujaydu waxay galaan layn dheer oo aan habaysnayn kaasoo uga sii gudbayaan qaybta sugista dayaaradda. Laynka waxaa lagu jirayaa ugu yaraan saddex saacadood. Laynka waxaa xujayda Somaalida kula jira xujay kale oo quruumo kale ka socda. Maadaama aan jirin waqti go’an oo ay dayaaradda Somaalidu kacdo isla markaana shaqaale ka tirsan sharikadaha oo u shaqeeya xujayda aan jirin waxaa dhacda in Somalidu weligood ay laynka kusii jiraan oo laga sii hor mariyo kolba quruumo kale oo dowlad ah oo waxoodu ay isku wada dubaridan yihiin. Waxaa nasiib darro ah inaanay sharikaduhu ka dhaadhicin Karin sarkaalka jooga albaabka ee Somaalida celinaya xiliga ay dayaaraddu tegeyso ilayn waa dayaarad aan waqti lahayn oo sida gaadhiga oo kale loo rakaabiyee. Xujaydu waxay ka dhamaadaan safkaasi ilaa labada duhurnimo (02:00 PM). Halkaa waxaa ku buuxsantay hal maalin ama 24 saac ayadoo weli aan dayaaradda cagta la saarin.
  • Akhristow xujaydu ugu dambayn waxay raacaan dayaaradda markay saacaddu tahay 02:30 PM ayadoo ay dayaardu Muqdisho ama Hargaysa kala degto gabal dhicii.
  • Xujayda u socda magaalooyinka kale ee aanu hoygoodu ahayn Muqdisho ama Hargeysa ayay ku qaadataa maalin labaad inay helaan dayaarad kale oo u qaada degaanadii ay ka yimaadeen. Maamul xumada iyo mas’uuliyad darrada sharikadaha waxaa kamid ah in xujayda la seexiyo hodheelo liita oo aan adeeg dhamaystiran lahayn oo ay habeenkii ku hoydaan ayagoo aanay xor u ahayn inay helaan cuntooyinkii ay u baahnaayeen. Waxaana dhacda inay ugu yaraan 24 saacadood oo kale ay sugaan inay helaan dayaarad kharaab ah oo gaysa degaanadii ay ka yimadeen ayagoo markaasi jajabsan oo aan waxba ku noolayn.

Ku takrifalka hadiyadaha Xujayda

Sidaan kor kusoo sheegey xujaydu waxay ku bixiyaan lacago inay eheladooda iyo asaxaabtooduba usoo qaadaan hadyado uu biyaha Zamzamku kamid yahay. Lacagaha kaga baxa waxaa kaga daran soo xamaalistooda iyo ilaalintooda ilaa ay kaga hubsanayaan sharikadaha dayaaradaha. Dayaadaha waxa loo dhiibto waa wax aamin ah oo haddii la waayana mag dhaw leh sida caalamku uu ku shaqeeyo. Hase ahaatee dayaaradaha Somaalida ayaa ka duwan sidaa. Wax mas’uuliyad ah iyo xil toona kama saarna daryeelka alaabta xujayda wallow ay ka qaateen lacago badan oo siyaabo badan looga qaatay. Inta badan alaabaha xujayda ayaa lagu sheegaa inay lumeen amaba la waayay. Way lumeen ama la waayay meel loo dhaafiyo ma leh mana dareensana sharikaduhu inay saaran tahay mas’uuliyadda alaabtaasi inay ku baadi goobaan haddii la waayana ay bixiyaan kharash u dhigma kharashka ay alaabtaasi ku fadhidey.

Xujayda ayaa intooda badan lagu samirsiiyaa alaabta iyo biyaha ay intaasoo tacab iyo kadeed lasoo mareen oo ay kolba meel lasoo taagnaayeen la yidhaahdo way lumeen waana la idin baadi doonayaa. Waxaa hubaal ah wax lumey inaanay jirine ee alaabaha si ula kac ah in loogu xareeyo bakhaaro ku kala yaala Hargaysa iyo Muqdisho ayadoo aan la ogayn ujeedka laga leeyahay. Waxaanay ugu dambayn dhacdaa in xaajigu uu ka quusto alaabtii uu kharashka badan, tacabka iyo kadeedka ku bixiyey ayadoo aan lasiin wax mag dhaw ah.

Gebo-gebo

Waxaan maqaalkani kusoo geba gebeynayaa dhawr qodob oo aan usoo kala jeedinayo umadda Somaaliyeed ee xujayda ah, sharikadaha dayaaradaha iyo wadaada mukhalasiinta ah:

 

  • Shacabka Somaaliyeed: Waxaan leeyahay meel kastoo aad joogtaan iyo maamul kastoo aad hoos tagtaanba cidina idinma maqna ceelna idin ma qodna. Budhcadii hantidiina dhacday ee dowladnimada rubuc qarni idin diidey tu lamid ah ayaa imikana idin dhigatay isbaaro gudashada xajka oo ah rukun kamid ah rukunada Islamka. Waana dad ka macaashaya dhiigiina iyo dhaqaalihiina. Ma jirto meel aad uga ergootaan iyo cid aad uga cabataan. Waxaan idin leeyahay, umaddani ha cafiyina ee xaqiina inuu Alle idin kaga soo saaro mar walba ku duceysta. Waxaa hubaa ah in qof dulmi ka galay ruux bani’aadam ah aanu weligii aflaxayn oo mar uun Rabi ka hiilin doono xitaa haday gaadho maalinta Qiyaame. Waxaan kaloo shacbigaa leeyahay dhibaato tan ka badan waad usoo dul qaadateen ee imikana u dul qaata inta uu nasri deg deg ah oo aad kaga xoroobeysaan dulmiga Rabi uu ka keenayo. Waxaana idin ka codsanayaa in gudashadiina xajka aanay inaba hoos u dhigin dulmiga la idin gaysanayo iyo dhiig miirashadan. Camal waxaa ajar ugu filan kan adoo dhibaato kala kulmaya sameeyey oo ku xiiqey oo misana lagugu dhibo. Kanna camalkaas uun buu kamid yahay.
  • Sharikada duulimaadyada: Waxaan leeyahay labada sharikadood ee isku xulafaystay xaaraan cunista iyo dhiig miirashada umadda inay intani ugu filan tahay xaaraan iyo xoolo umadeed. Wax badan bay laaluush iyo khiyaamooyin iyo dibin daabyooyin kaga saareen khadka sharikado ayaga la tartami lahaa. Runtii hadaad sidani ku socotaan waad soo af jarmaysaan. Waxaa idinka badan sida kale ee aad umadda u dhacaysaan. Waxaan idin leeyahay sidani si ma ahee bal isa saxa oo sidaan isku dhaama oo umadda ka xishooda. Ogaada dadka aad sidaa u geleysaan waxaa ku jira dad xogogaalo ah oo qawaaniinta caalamiga ah yaqaana oo sanado badan dayaarado lasoo shaqeeyey oo shuruucda duulimaadka yaqaana. Ha moodina in aan la idinla ogayn laakin hadaydaan sidaa isu dhaamin waxaa iman doonta in maxkamad la idinla fuulo oo cadeymaha la idin kahayo la idin soo hor dhigo. Waxaan kaloo idin kula talinayaa inaad bal wax uun iska saxdaan dhanka maaulka oo aad shaqaale tababaran oo nadiif ah hawl gelisaan oo ka hufan laaluush qaadasho. Koley waxba isma dhaantaane waxaan idin leeyahay wax kastoo aad qaadataan oo xaaraan ah siyaabo kasta aad ku qaadataanba inay yihiin wax idinku maqan oo mar dhaw ay soo baxayaan.
  • Wadaadada: Waxaan wadaadada waydiinayaa saddex su’aalood. Bal haddii uu damaca idin qaaday oo hungurigu idinka galay inaad dulmi ku raacdaan sharikadaha oo aad xaaraanta wada cuntaan miyaad in uun ku dayan wayadeen askarta dhalinyarada ee Sacuudiga ah ee intay caagado biyo qabow ah soo qaadaan xujayda ku rushaynaya kuna qaboojinaya ayagoo Alle dartii iyo mas’uuliyadooda amni ee saaran uun ilaalinaya oo aan qabiil, qaran iyo midab midna u eegeyn? Miyay taasi idinku dhalin waydey damiir aad dadka aad culimada u tihiin ugu damqataan oo aad ugu naxdaan intaad dulmiga lagu hayo aad qayb ka noqon lahaydeen? Waxaan kaloo idin waydiinayaa markaad waxa umad dhan loogu tala galay aad keligiin meel intaad la fadhiisataan ku cuneysaan oo aad ku ruugeysaan miyaad ilowdeen hadalkii Omar Bin Khadaab laga sheegey ee ahaa in habeenkii uu meereysan jirey magaalada oo uu dhagaysan jirey cabashada dadka si uu u maqlo qof cabanaya oo uu cabashadiisa wax uga qabto halka idinkana aydaan danba ka gelin xujay beerka dhulka ku haya oo wixii loogu tala galay aad la weecanaysaan? Miyaad ilowdeen dulmiga aad ku jirtaan inuu leeyahay ciqaab kulul isla markaana dadka wadaadada ah ee magac diin sheegta oo hadana waxay umadda u sheegayaa cagsigiisa sameeya inay yihiin wadaado kaga horeeya naarta dadka kale? Miyaad ku waantoobi waydeen mutadawiciinta sacuudiga ee intaasoo masaafo usoo maraya inay u adeegaan xujayda ee biyaha qabow, sharaabka iyo caanaha u qaybinaya halka idinkuna aad tihiin kuwii camiil u ahaa sharikadaha oo waliba uga duceynaya meelahaa oo leh Allow noo daa mise xaaraan baad ehel ku tihiin?

Ma jiro cid gaar ah oo aan maqaalkani ula jeedo iyo gobol gaar ah oo aan ku bar tilmaameedsanayo waxaanse ula jeedaa inaan wacyiga umada sare u qaado iyo inaan xasuusiyo sharikadaha iyo wadaadada mukhalasiinta ah inaanay umaddu cafiyin haday sidani wax kusii socdaana ayna jiri doonto mar aanu maxkamad iskugu nimaadno oo xuquuqda umadda la idin kaga qaado.

W/D: Cali Siciid Warfaa (Saacadaale)

E-mail: saacadaale4@gmail.com