BF oo Kulan Xasaasi ah ku leh Golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan adag oo ay kaga doodayaan waxyaabihii gudigii xaqiiqo raadinta kusoo arkeen xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed Cumar, oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in kulanka maanta uu yahay mid ka duwan kulamadii hore ee xildhibaanada ay yeelanayeen.

Gudiga loo diray magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa laga sugayaa iney runta ka horsheegaan xubnaha baarlamaanka, maadaama ay iyaga soo indho indheeyeen xaqiiqda jirta.

Waxaa sidoo kale laga yaabaa iney su’aalo kala kulmaan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan.

Dhanka kale xildhibaanada ayaa waxay kulankooda kusoo hadal qaadi doonaan arimaha la xiriira sharciga maalgashiga dalka Soomaaliya, sida uu sheegay xildhibaan Maxamed Cumar.

Waxaa la sugayaa go’aanka ay gaaraan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, maadaama hore ay arintaan qaraar kaga soo saareen, balse markii dambe gudi xaqiiqo raadin ah loo diray magaalada Beledxaawo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com