Xog: Boorsaani oo qiyaanay gudoomiyayaasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa kormeer aan lagu wargelin gudomiyaasha degmooyinka qaar oo ku yaala gobolka Banaadir ugu tagay qaar kamid ah gudoomiyaasha kuwaasi oo loo tagay iyaga oo ka maqan xafiisyadooda.

Gudoomiyaha ayaa tagay degmooyinka Yaaqshiid, Hodon, Dayniile iyo howlwadaag waxaana kormeerkiisa uu ahaa mid loogu kuur galayay sida ay ku shaqeeyaan gudoomiyaasha gobolka Banaadir.

Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa tagay degmada Dayniile xili gudoomiyaha degmadaasi la sheegay inuu hurdayay oo uusan joogin xafiiskiisa, sada laga soo xigtay xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale degmooyinka Yaaqshiid iyo Howlwadaag ayaa la tagay iyadoo ay joogeen ku xigeenada degmooyinkaasi iyo saraakiil ciidan, wuxuuna safarka ahaa mid gaadmo ah.

Intaas oo idil markii uu soo sameeyay gudoomiye Yuusuf ayuu isku dayay inuu soo hormaro dhismaha guriga Habar Qadiijo oo ay degen yihiin ciidamada hayada nabad sugida qaranka, laakiin yaab ayaa halkaasi ka qabsaday.

Waxaa loo sheegay inuusan mari karin wadada hormarka dhismaha, laakiin ciidamada goobta joogay ayuu u sheegay inuu yahay gudoomiyaha gobolka Banaadir, waxaase loogu jawaabay ineysan kala jecleyn inuu gudoomiye uu yahay iyo inkale.

Markii buuq uuu goobta ka dhacay kadib ayaa saraakiil ka soo baxday dhismaha guriga Habar Khadiijo waxay dhameeyeen buuqa waxaana markii dambe loo ogolaaday inuu goobta maro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com