Saalad C. Jeele oo la saftay Puntland & Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Salaad Cali Jeele, oo ah gudoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Dimuqraadiyada oo la hadlay VOA ayaa ka hadlay shir wasaarada arimaha gudaha shalay ay ka furtay magaalada Muqdisho loogana hadlayay sharciyada axsaabta dalka.

Salaad Cali Jeele, ayaa soo dhaweeyay shirka ka furmay  magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu yahay mid wax badan kusoo siyaadi doono dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hindisahaasi uu ahaa mid horey baarlamaanka usoo diyaariyeen laakiin xukuumada Soomaaliya ay dib ula laabatay, balse hadda wax wanaagsan ay tahay maadaama wasaarada arimaha gudaha ay dib u bilowday.

Dhanka kale Salaad Cali jeele ayaa fikir uu ka dhiibtay qaabka lagu soo xuli karo xildhibaanada cusub sanadka 2016 wuxuu ku taageeray maamul goboleedyada dalka qaar sida Jubbaland iyo Puntland oo gabi ahaanba kasoo horjeestay in nidaamka 4.5 lagu soo xulo xildhibaanada cusub ee imaanaya.

“Anaga haddii aan nahay axsaabta siyaasada ee dalka marnaba ma aqbaleyno in lagu soo xulo dowlada soo socoto 4.5, mana taageeri doono, annaga waxaan soo jeedinay in la raaco tirakoobkii UN-ka oo Qiyaas ku dhisan, iyadoo laga faa’ideysanayo arintaasi doorasho halagu galo, dowlada madaxdeeda sare iyo beesha caalamkana waan tusnay sidey doorashada ku dhici karto”.ayuu yiri Salaad.

Xisbiyada ka dhisan dalka ayaa dhankooda u hanqal taagaya iney meel wanaagsan ka yimaadaan doorashada dhaceysa sanadka cusub ee 2016, maadaama dalka uu qaatay nidaamka axsaabta badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com