Xog + Sawirro: Ninka bedeli doona Nicholas Kay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo laba maalin ka hor aan daabacnay warbixin sheegeysa in xil ka qaadis lagu sameyn doono Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Kay, ayaa waxaa soo baxaayo warar dheeraad ah oo arrintaasi la xiriirta.

Wararku waxa ay sheegayaan in Nicholas Kay uu ku howlan yahay u diyaar garowga xil ka qaadistiisa, waxaana lagu wadaa in Asbuucyada soo socda uu xilkaasi ka degi doono, waa haddii aysan wax isbedelin.

Warar hoose oo aan ka helnay ilo ku dhow dhow Nicholas Kay ayaa xaqiijiyay in Kay xilka laga qaadi doono Bisha fooda nagu soo heyso oo ay ka harsan tahay maalmo.

Nicholas Kay ayaa lagu wadaa in lagu bedelo Danjiraha Britain u fadhiya dalka Ethiopia , kaasi oo la sheegay in dhawaan uu soo gaari doono magaalada Muqdisho, sida aan xogta ku heleyno.

Xog taasi ka duwan ayaa sheegeysa in Danjire Kay lagu bedeli doono Diblumaasi lagu magacaabo Michael Keating kaasi oo ku dhashay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda sanadkii 1959kii.

Michael Keating ayaa hadda ka tirsan Mas’uuliyiinta iyo agaasimayaasha sare ee Machadka ka shaqeeya arrimaha dibadda ee Machadka Chatham House.

Michael Keating ayaa wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin danjirenimo xukuumaddiisa Britain iyo weliba isagoo soo noqday ergayga xoghayah guud ee QM uga wakiilka ahaa waddanka Afghanistan.

Nicholas Kay oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Britain, ayaa waxaa xilka uu iminka hayo loo magacaabay 29-kii bishii Abriil, 2013-kii, xilligaas oo uu xilka kala wareegay diblumaasiga lagu magacaabo Augustine Philip Mahiga oo u dhashay dalka Tanzania.

Kay ayaa mudada uu xilka hayo aan wax muuqda kusoo biirin dalka Somalia marka laga reebo Jahwareer uu galiyay madaxda ugu sareysa dalka oo dhaqan iyo caado looga dhigay isku shaandheyn iyo xil ka qaadis degdeg ah.

Ujeedka Nicholas Kay loogu soo wakiishay Somalia ayaa ah inuu xal u raadiyo Khilaafyada iyo kala fogaanshiyaha ka dhextaagan madaxda dalka, hayeeshee waxa uu dab iyo bansiin usii noqday xasarada Siyaasadeed ee sida joogtada ah uga dhextaagan Madaxda dalka.

Dhanka kale, QM iyo DFS wali war cad kama aysan soo saarin xil ka qaadista uu wajihi doono Nicholas Kay, markii laga soo tago xogaha hoose oo kusoo dhacaaya Xafiiska Caasimada Online ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com