DEG DEG: Digniino laga bixiyay duufaano ku dhufan doona Somalia

Duufaano kuleylo wata, ayaa la saadaalinayaa inay ku dhufan doonaan Somalia saacadda marka ay tahay 12:00qm 25-ka December, waxaa sidaa shaaciyay ciidamada badda iyo kuwa cirka Mareykanka.

Duufaanta oo ah nooca Tropical Storm 4, ayaa la sheegay in dhibic dhaceedu noqon doono 8.2, ayna keeni doonto hal daqiiqo oo ah dabeylo aad u xoogan, oo xowligoodu saacaddii ku socon doona 101km ama 63 mile.

saadaalWaxaa sidoo kale laga digay in dabeysha iyo boorka ka kici doona dhulka ay aad u sareyn doonaan marka duufaanto soo dhacdo.

Waxaa duufaanada ay si gaar ah u saameyn doonaan xeebaha deegaanada Puntland, gaar ahaan Eyl iyo meelo ku dhow.

Milataraiga Mareykanka waxa ay sheegeen in akhbaartan ay tahay kaliya mid feejignaan ah, oo aan loo qaadan karin kuwa ku saleysan go’aano dhimasho ama naf halis galin kara ama hanti.

Waxa ay sheegeen in qof kasta oo ku sugan deegaanka oo ka walaacsan bad baadadiisa nololeed uu la xiriiro hay’adda dalkiisa u qaabilsan cimilada, balse nasiib darro adeegaas iminka kama jiro Somalia.

Digniintan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray oo Milatariga Mareykanka u gudbiyay  TropicalStorm Risk (TSR), oo ay ka mas’uul yihiin hay’adaha Aon Benfield, Crawford & Company iyo Jaamacadda University College London (UCL).

FG: Digniintan waa mid ku dhisan saadaal un, qasabna ma ahan inay 100% sax noqoto