Muqdisho: Askar dib ugu noqotay isbaaro iyo tallaabadii laga qaaday

Ciidamo Dowlada ka tirsan oo isbaaro dhiganayay ayaa  la sheegay in la dhigay Saldhiga ciidamada dowlada ee degmada dherkenley waxaana gacanta ku soo  dhigay ciidamo kale oo dowlada ah.

Gudoomiyaha degmada Dherkeley ee dowlada Soomaaliya Macalin cabdule cali hilowle ayaa carabaabay inay gacanta ku soo dhigeen ciidamo hubaysan oo dowlada ka tirsan misan ay u taalay Isbaaro ay dadka shacabka lacago baad ay ugu qaadayeen waxaana ka hortagay ayuu yiri ciidamada degmada oo ku howlanaa qaadista Isbaarooyin wali si hoos ah u jira.

Wuxuu sheegay Gudoomiyaha in Askartan ay ku xiran yihiin saldhiga degmada Dherkenley ayna u gudbin doonaan laamaha Amaanka dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay Askartan lacag badan ku qaadanayeen guryaha la dhisayo iyo alaabaha la dajinayo ama la qaadayo.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa horay uga digay Askarta Dowlada Isbaaro dhigashada walow hadalkiisa uu dhaqan galay hadana wali waxaa jira Isbaarooyin hoose oo ay dhiganayaan ciidamada dowlada.