Faroole oo Nabaddoono caan ah kala baxay Hoteelo ay deganaayeen.

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada maamulkaasi ay xireen nabadoono caan ka ah Deeganadaasi.

Nabadoonadan la xiray ayaa waxaa wararku sheegayaan in laga baxay Hoteelo ay ka deganaayeen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Afar nabadoon  ayay wararka sheegayaan in saddex kamid ah ay dib usoo celiyeen halka mid kalena ilaa iyo iminka aan la aqoon halka lala aaday.

Waxaa sida la sheegay nabaddoonada lagu xiray amarka madaxweynaha maamulkaasi Cabdiraxmaan Faroole.

Nabadoonada xalay ciidamada maamulka Puntland ay xireen islamarkaana ay dib ugu soo celiyeen hoteelka ay ka dagan yihiin Magaalada Garoowe, ayaa waxaa kamid ahaa Nabadoon Maxamed Shoobe Afcase, Caaqil Sahal Cabdislaaan Yuusuf Faahiye oo dhamaantood u tagay Garoowe ka hadalka siyaasada cakiran ee Puntland.

Madaxwaynaha Puntland Faroole ayaa doonaya in waqtiga uu kororsado taasna waxaa ka soo horjeestay dhamaan dadka Puntland ee isugu jira odayaasha, siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee Bulshada.

Waxaa sii kordhaya mucaaradada lagu hayo Faroole, waxaana taa beddelkeeda Faroole uu sii kordhiyay xariga dadka isaga kazoo horjeeda.